Golaha Wakiillada

April 2024

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO XARUNTA DAMBI BAARISTA PUNTLAND.

Garoowe, April 30, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada oo ugu horeyn kormeeray xarunta maxkamadda ciidamada qalabka sida & dambiyada culus ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Maxkamadda, isagoo Guddiyada la wadaagay sida shaqadu u socoto, caqbadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay. Sidoo kale Xildhibaannada ayaa su’aalo ka weydiiyey arrimaha uu ka hadlay Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo guud ahaan shaqada ay hayaan. Dhanka kale, Mudenayaasha katirsan Golaha Wakiillada ayaa kormeeray xarunta dhexe dambi baarista Puntland (CID), iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha xarunta, shaqada ay bulshada u hayaan, caqabadaha haysta iyo waxyaabaha u qabsoomay. Ugu dambeyn Guddiyadda ayaa kormeeray xafiisyada xarunta dambi baarista halkaas oo ay ka socotay shaqada maalin laha ee dadweynaha loogu adeego. Xildhibaannada kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi iyo Guddoomiyaha Guddiga Amniga Xassan Ducaale (Dhagax-tuur). -DHAMMAAD-

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA IYO XARUNTA DAMBI BAARISTA PUNTLAND. Read More Β»

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA SARE.

Garoowe, April 29, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarumaha Garsoorka Dawladda Puntland, iyagoo u kuurgalay habka shaqadu u socoto, caqabadaha jira iyo cabashooyinka dadweynaha ee arrimaha Cadaaladda. Guddiyadda ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ku-xigeenkiisa iyo xubno kamid ah Maamulka Garsoorka, iyagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan waxqabadkooda, caqabadaha iyo tabashooyinka dadweynaha ee arrimaha Cadaaladda. Sidoo kale Xildhibaannada ayaa kormeeray Maxkamadda derajada 1-aad ee Gobolka Nugaal, Maxkamadda Racfaanka iyo Garsooreyaashooda, kuwaas oo ay ka xog wareysteen shaqooyinka ay u hayaan iyo caqabadaha haysta. Xildhibaannada kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi iyo Guddoomiyaha Guddiga Amniga Xassan Ducaale (Dhagax-tuur). Ugu, dambeyn Mudaneyaasha ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa booqday saldhiga galbeed ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku dhageysteen maxaabiista xiran iyo caqabadaha jira. -DHAMMAAD-

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA SARE. Read More Β»

Guddoomiyaha Golaha wakiillada ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu wehliyo Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane, Ilays Cusmaan Lugatoor ayaa beeray Geeddkii 1aad ee todobaadka dhireynta, Garoowe, April 28, 2024 : Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland kaas oo ay qabtay Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland. Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimulada ayaa sheegtay in qorshaha Todobaadkaan uu yahay in guud ahaan Puntland lagu beero in ka badan 20 kun oo geed. Kulanka waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Xil. Yaasiin Jaamac Cumar, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda. DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha wakiillada ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland. Read More Β»

π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π†πŽπ‹π€π‡π€ π–π€πŠπˆπˆπ‹π‹π€πƒπ€ 𝐎𝐎 πŒπ€π€ππ“π€ 𝐋𝐀𝐆𝐔 π’πŽπŽ πƒπ‡π€π–π„π„π˜π„π˜ π‚π€π€π’πˆπŒπ€πƒπƒπ€ π†π€π‘πŽπŽπ–π„.

Garoowe, April 27, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa maanta loogu soo dhoweeyay caasimadda Garoowe. Guddoomiyaha oo mudooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Hon Mohamed Mohamoud Isse, Xldhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro iyo Hawlwadeena Golaha Wakiillada. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa soo dhaweynta kadib loo galbiyey qaybta VIP ee Garoonka, halkaas oo uu uga mahadceliyey dhammaan masuulyiintii soo dhaweysay. Guddoomiyaha ayaa sheegay intii uu ku sugnaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya inuu kulamo la qaatay qaar ka mid ah Dawladaha taageera Puntland, isaga oo kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

π†π”πƒπƒπŽπŽπŒπˆπ˜π€π‡π€ π†πŽπ‹π€π‡π€ π–π€πŠπˆπˆπ‹π‹π€πƒπ€ 𝐎𝐎 πŒπ€π€ππ“π€ 𝐋𝐀𝐆𝐔 π’πŽπŽ πƒπ‡π€π–π„π„π˜π„π˜ π‚π€π€π’πˆπŒπ€πƒπƒπ€ π†π€π‘πŽπŽπ–π„. Read More Β»

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADDA SALDHIGYADA GAROOWE.

Garoowe, April 25, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Saldhigyada kuyaala Magaalada Garoowe, iyagoo u kuurgalay xaalada maxaabista, habka shaqadu u socoto iyo caqabadaha jira. Guddiyadda ayaa saldhig walba oo ay tagaan waxay marka hore warbixin ka dhageysanayeen Taliyaha Saldhiga, intaa kadib-na waxay la kulmayeen maxaabiista xiran, iyagoo ka xog wareysanaya xaaladdooda nololeed, baahiya haysta iyo tabashooyinka ay qabaan. Xildhibaannada kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi iyo Guddoomiyaha Guddiga Amniga Xassan Ducaale (Dhagax-tuur). Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, si wax looga qabto caqabadaha jira. -DHAMMAAD-

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADDA SALDHIGYADA GAROOWE. Read More Β»

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kaga qeyb-galay xuska Maalinta Duumada Adduunka.

Garoowe: April 25, 2024: Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa xarunta Wasaaradda Caafimaadka kaga qeyb-galay xuska Maalinta Duumada Adduunka oo sannad walba la xuso 25-ka Abriil. Wacyi-gelinta waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, waxaana kasoo qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & Warfaafinta Xil. Cabdicasiis Axmed Dhahar, xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada, madax ka socday Dawladda, Hay’adda Caafimaadka aduunka iyo bahda Caafimaadka Puntland. Kulankan wacyi-gelinta ah ayaa sannad walba loo qabtaa si dadka looga wacyigeliyo cudurka Duumada si looga hortaggo loona xakameyo. – DHAMMAAD – Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kaga qeyb-galay xuska Maalinta Duumada Adduunka. Read More Β»

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADDA XABSIGA DHEXE EE GAROOWE.

Garoowe, April 24, 2024: Guddiyada ayaa ugu horeyn waxay warbixin balaaran oo dhinacyo kala duwan taabanaysa ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo saraakiisha kale, iyagoo ka xog wareystay xaalada maxaabiista & caqabadaha haysta. Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi, Guddoomiyaha Guddiga Amniga Golaha Wakiillada Xild. Xassan Ducaale (Dhagax-tuur) ayaa waxaa kormeerka ku wehliyey Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadana Puntland Siciid Cabdi Muumin. Intii ay ku guda-jireen booqashadooda, waxay sidoo kale Guddiyadu la kulmeen maxaabiista ku xiran xabsiga, iyagoo ka xog wareystay xaaladdooda nololeed, baahiyahooda iyo tabashooyinka ay qabaan. Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, kana jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda ee Baarlamaanka. -DHAMMAAD-

GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA U KUURGALAY XAALADDA XABSIGA DHEXE EE GAROOWE. Read More Β»

Fadhiga 3-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: April 22, 2024: Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta waxaa Madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada looga dhagaystay warbixinno la xiriira Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Arrimaha Deegaanka, Amniga, Cadaaladdda, Mashaariicda, horumarinka. hay’adeed ee Baarlaamaanka, Xuquuqada Aadanaha iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, si waafaqsan Dastuurka & Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Intaas kadib Guddiga Joogtada ahi, waxay Eebbe ugu mahadceliyeen roobabkii gu’ga oo ka bilawday deegnannada Puntland, waxayna dadweynaha ugu baaqeen in Eebbe looga mahadceliyo nimcadiisa, lagana faa’iideysto. Sidoo kale, waxay Guddigu ugu baaqadeen maamulka iyo dadweynaha ku nool degaammada ay horay ugu dhaceen fatahaaduhu iyo guud ahaan meelaha gudan in laga tax-adaro, lana muujiyo feejignaan dheeri ah inta lagu jiro xilli roobaadka. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta, Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Fadhiga 3-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Read More Β»

Scroll to Top