GUDDIYO KA TIRSAN GOLAHA WAKIILADA OO MAANTA KORMEERAY MAXKAMADDA SARE.

Garoowe, April 29, 2024: Guddiyada ka socda Golaha Wakiillada ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarumaha Garsoorka Dawladda Puntland, iyagoo u kuurgalay habka shaqadu u socoto, caqabadaha jira iyo cabashooyinka dadweynaha ee arrimaha Cadaaladda.

Guddiyadda ayaa ugu horeyn kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ku-xigeenkiisa iyo xubno kamid ah Maamulka Garsoorka, iyagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan waxqabadkooda, caqabadaha iyo tabashooyinka dadweynaha ee arrimaha Cadaaladda.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa kormeeray Maxkamadda derajada 1-aad ee Gobolka Nugaal, Maxkamadda Racfaanka iyo Garsooreyaashooda, kuwaas oo ay ka xog wareysteen shaqooyinka ay u hayaan iyo caqabadaha haysta.

Xildhibaannada kormeerka sameeyey ayaa kala ahaa Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Xild. Maxamuud Dhaluul Xirsi, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Xild. Mowliid Abokor Caafi iyo Guddoomiyaha Guddiga Amniga Xassan Ducaale (Dhagax-tuur).

Ugu, dambeyn Mudaneyaasha ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa booqday saldhiga galbeed ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku dhageysteen maxaabiista xiran iyo caqabadaha jira.

-DHAMMAAD-

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *