Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kaga qeyb-galay xuska Maalinta Duumada Adduunka.

Garoowe: April 25, 2024: Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire, ayaa xarunta Wasaaradda Caafimaadka kaga qeyb-galay xuska Maalinta Duumada Adduunka oo sannad walba la xuso 25-ka Abriil.

Wacyi-gelinta waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, waxaana kasoo qaybgalay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, dhaqanka & Warfaafinta Xil. Cabdicasiis Axmed Dhahar, xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada, madax ka socday Dawladda, Hay’adda Caafimaadka aduunka iyo bahda Caafimaadka Puntland.

Kulankan wacyi-gelinta ah ayaa sannad walba loo qabtaa si dadka looga wacyigeliyo cudurka Duumada si looga hortaggo loona xakameyo.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *