Fadhiga 3-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: April 22, 2024: Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta waxaa Madax guddiyeedyada Golaha Wakiillada looga dhagaystay warbixinno la xiriira Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Arrimaha Deegaanka, Amniga, Cadaaladdda, Mashaariicda, horumarinka. hay’adeed ee Baarlaamaanka, Xuquuqada Aadanaha iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, si waafaqsan Dastuurka & Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Intaas kadib Guddiga Joogtada ahi, waxay Eebbe ugu mahadceliyeen roobabkii gu’ga oo ka bilawday deegnannada Puntland, waxayna dadweynaha ugu baaqeen in Eebbe looga mahadceliyo nimcadiisa, lagana faa’iideysto. Sidoo kale, waxay Guddigu ugu baaqadeen maamulka iyo dadweynaha ku nool degaammada ay horay ugu dhaceen fatahaaduhu iyo guud ahaan meelaha gudan in laga tax-adaro, lana muujiyo feejignaan dheeri ah inta lagu jiro xilli roobaadka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *