Guddoomiyaha Golaha wakiillada ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu wehliyo Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane, Ilays Cusmaan Lugatoor ayaa beeray Geeddkii 1aad ee todobaadka dhireynta,

Garoowe, April 28, 2024 : Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa ka qeyb-galay Daah-furka todobaadka dhireynta Puntland kaas oo ay qabtay Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland.

Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimulada ayaa sheegtay in qorshaha Todobaadkaan uu yahay in guud ahaan Puntland lagu beero in ka badan 20 kun oo geed.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiillada Xil. Yaasiin Jaamac Cumar, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda.

DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *