Golaha Wakiillada

Puntland Parliament

Guddoomiye ku xigeenka 1aad oo qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Green-Hope

Garoowe, October 04 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan, ayaa maanta aqalka Wakiillada ku qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Green-Hope oo kasoo kicitimay Muqdisho, dhawaana xarun ka furtay Garoowe. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiye ku xigeenka 1aad oo qaabilay Maamulka sare ee Jaamacadda Green-Hope Read More »

Guddoomiye K/X/ 1aad oo ka qeyb-galay daah-furka Jaamacadda Green Hope

Garoowe, October 03 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman ayaa caawa ka qayb-galay munaasabad lagu daahfurayey Jaamacadda Green Hope faraceeda Garoowe. Gudddoomiye ku-xigeenka 1aad ayaa u hambalyeeyey bahda Jaamacadda xarunta cusub oo ay ka hirgaliyeen Garoowe, waxaana uu ku amaanay inay Ardayda u keenen Kulliyado baahi loo qabay sida Culluumta baarista-dambiyadda, Deegaanka iyo kuwo kale oo dalka muhiim u-ah. Munaasabada ayaa sidoo kale waxaa qayb-galay Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland, Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilladda, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada, Aqoonyahano, Saraakiil, Xubno ka socday Jaamacadda la daah-furay iyo marti sharaf kale oo goobta oo lagu casuumay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiilada Dawladda Puntland

Guddoomiye K/X/ 1aad oo ka qeyb-galay daah-furka Jaamacadda Green Hope Read More »

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO)

Garoowe: October 03, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga todobaadla ah ee Guddiga joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa diirada lagu saaray qorshaha kormeerka guddiyada Golaha wakiillada ay dhawaan ugu kuur-galayaan xaaladaha Amniga iyo Nabadgelyada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Deegaanka, Arrimaha Bulshada, Xuquuqada Insaanka iyo Mashaariicda, waxaana la isla qaatay in guddiyadu ay bilaabaan kormeerada ay ku tagayaan Gobollada Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Shirka Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada ( SAWIRO) Read More »

MP Abdullahi Yusuf Qaylo

Hon. MP Abdullahi Yusuf Qaylo is a member of the Puntland Parliament and he is the head of the Security Committee at the Parliament. Prior to this position, he had worked with several private institutions. He worked with Golis Telecommunication Company as an IT officer, developing websites and designing graphics. He later joined the Public Relations Department of the Company as he was directing the issuance of the company’s annual magazine. He also worked with Tadamun Social Society which is a humanitarian local organization. He participated in the project planning, project implementations, and awareness campaigns. He was also a lecturer at the University of Bosaso as he was teaching Information Technology courses which were mainly web developing and Graphic designs. MP Abdullahi had worked with research institutions and community organizations whom some of them he was the founder. He has also online free courses which many Somali students have benefited and still benefiting from. In education, he holds a bachelor’s degree in Information Technology and a Postgraduates in research methodology. Contacts: Email: qayloo@puntlandparliament.com Facebook: Abdullahi Yusuf Qayloo Twitter: Abdullahi Yusuf Qayloo

MP Abdullahi Yusuf Qaylo Read More »

Xiritaanka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL ( Muuqaal/Sawiro)

Garoowe, Sep 26, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 31-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 56 Mudane, waxaa Golaha laga hor akhriyey codsi uu Golaha u soo gudbiyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, kasoo ku saabsaanaa in magacaabidda xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare dib loogu dhigo muddo 30 cisho ah, waxaa codsigaas Madaxweynaha Oggolaaday 42 Mudane, waxaa diidey 6 Mudane, halka ay ka aamuseen 8 Mudane. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaarinta ay Maxkamadda Rafcaanku dhaarinayso mas’uuliyiinta magacaaban, arrintaas oo ka hor imanaysa Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, oo sheegaya in qof kasta oo xil-sare ka qabanaya Dawladda Puntland ay dhaarinayso Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland. Sidaas darteed, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa faray in mas`uuliyiinta Sare ee Dawladda Puntland u hoggaansamaan Qodobka Dastuuriga ah ee kor ku xusan. Ugu dambeyntii, Gudddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriill ayaa soo xiray kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntlad

Xiritaanka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL ( Muuqaal/Sawiro) Read More »

Xildhibaano ka qeyb-galay Dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha & qorshaha naqshadda cusub ee Deg. Rako-Raaxo ( SAWIRO)

Rako-Raaxo, 25 September 2022: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-galay munaasibadda dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha degmada iyo qorshaha naqshadda cusub ee Degmadda Rako-Raaxo ee Gobolka Karkaar. Waxaa Xildhibaanada kala qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Raxo-raaxo iyo waxgaradka Magaalada. Dhagax-dhiga xarunta Xannaanada Xoolaha Xoolaha iyo qorshaha naqshadda cusub ee Degmadda Rako-raaxo ayaa qeyb ka ah Barnaamijyadda Horumarinta ee ka socda Degmadda Rako-raaxo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xildhibaano ka qeyb-galay Dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha & qorshaha naqshadda cusub ee Deg. Rako-Raaxo ( SAWIRO) Read More »

Xildhibaano ka qeyb-galay dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha Deg.Waaciye (SAWIRO)

Waaciye: 25 September 2022: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-galay munaasibadda dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha, Degmada Waaciye, Gobolka Karkaar. Waxaa Xildhibaanada kala qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL, Wasiirka Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL, Maamulka Gobolka Karkaar, kan Degmadda Waaciye iyo Waxgaradka Magaalada. Xarunta la dhagax dhigay oo dhawaan dhismaheeda la bilaabayo ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horeysay oo yeelato Waaciye. Dhanka kale, Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac ayaa isla maanta kormeer kutagay xarunta cusub ee Degmada Waaciye oo dhismaheeda uu gebo-gebo marayo, Dugsiga-sare iyo Cisbitaalka Magaalada, isagoo xog-wareysay baahiyaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Xildhibaano ka qeyb-galay dhagax-dhiga Xarunta Xanaanada Xoolaha Deg.Waaciye (SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay Guddiyadii loo xil-saaray arrimaha Garsoorka & Natiijada La Xisaabtankii Xukuuumadda ( SAWIRO)

. Garoowe, September 19, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa manta kulan gaar ah la qaatay Guddiyadii gaarka ah ee Goluhu u-xil-saaray arrimaha Garsoorka iyo natiijadii La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kal-fadhiga 50-aad. Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiyada, taas oo ku saabsan shaqadii loo xil-saaray iyo halka wax u marayaan,wuxuuna uga mahadceliyey sida ay isaga xil-saareen hawshan baaxadda leh iyo wixii uga qabsoomay. Ugu dambeyntii, waxaa la go’aamiyey in la fadhiisiyo Golaha Wakiilllada si loo soo geba-gebeeyo hawlaha qabyada ka ah Golaha Kalfadhiga 50-aad, sidaas daraadeed waxaa la isla qaatay in maalinta Isniinta ee 26 Sep, 2022 uu Goluhu dib u fadhiisto haddii Alle Idmo. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay Guddiyadii loo xil-saaray arrimaha Garsoorka & Natiijada La Xisaabtankii Xukuuumadda ( SAWIRO) Read More »

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Garoowe (SAWIRO)

Garoowe, September 17, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo mudooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Puntland es Garoowe, iyadoo Garoonka Diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno, Wasiiro, Maamulka Gobolka Nugaal, Saraakiil iyo dadweyne kale. Guddoomiyaha oo soo dhaweyn kadib loosoo galbiyey qaybta nasiinada ee Garoonka ayaa la hadlay Warbaahinta, waxaana uu ka mahadceliyey soodhweynta sare ee loo sameeyey. Guddoomiyaha oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa yiri “Kalfadhigii 50-aad ee Goluhuna waa inoo furanyahay, waxaan rajeyn doona in dhakhso aan u howlgali doono, marka aan latashado Guddoomiye ku-xigeenada iyo Guddiyada Golaha”. Guddoomiyaha oo u hambalyeey Doorashadii Golaha Degaanka ee Degmada Eyl oo lagu doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen iyo sidoo kale, Barnaamijka Dimiqraadiyada Puntland, ayaa dhinaca kale shacabweynaha reer Puntland u sheegay in 8-da January 2024 uu marwalba uu dalku doorasho gali-doono. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Garoowe (SAWIRO) Read More »

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna G/Ku/ Xigeenka 1-aad oo kulan la qaatay Hay’adda UNFPA ( SAWIRO)

Garoowe, September 14 2022: Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa maanta Aqalka Wakiillada ku qaabilay Dr. Maryan Qaasim oo kasocotay Hay’adda UNFPA. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta Dawladda Puntland iyo UNFPA iyo sidii loo sii labo jibaari lahaa Shaqooyinka Hay’addu ay ka wado deegaanada Puntland. Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb-galay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda iyo saraakiil ka socotay hay’adda UNFPA xafiiskeeda Puntland. DHAMMAAD Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelintaGolaha Wakiillada Dawladda Puntland

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna G/Ku/ Xigeenka 1-aad oo kulan la qaatay Hay’adda UNFPA ( SAWIRO) Read More »

Scroll to Top