Eyl, 23 May 2026- Guddiga Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee kormeerka shaqo ku jooga Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeer ku sameeyey xarunta Degmada Eyl iyo isbitaalka degmada.
Sidoo kale, guddigu waxay warbixin ka dhegaysteen maamulka Degmada Eyl si ay ugu kuurgalaan xaaladda guud ee degmada, isla markaana u ogaadaan baahiyaha iyo caqabadaha ka jira deegaanka.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ay ugu kuurgelayaan adeegyada bulshada iyo xaaladaha ka jira degmooyinka Gobolka Nugaal.
DHAMMAAD



