๐๐๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐, ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ ๐๐๐๐ โ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐-๐๐๐ ee ๐๐๐ฅ๐๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ajandaha fadhiga Maanta Xasaanadsiinta mas’uuliyiinta u baahan xasaanadda Golaha Wakiillada.
Ugu horrayn, qaar ka mid ah Wasiirrada la magacaabay ayaa Golaha la wadaagay taariikh-nololeedkooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Ugu dambayn, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xasaanadda qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada. Xasaanadda ayaa waxaa oggolaaday 52 Mudane, waxaa diiday 4 Mudane, halka 2 Mudane ay ka aamuseen.
DHAMMAAD


