Golaha Wakiillada

๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐Ÿ ๐‰๐ฎ๐ง๐ž ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa sii-wadista dhageysiga Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada DPL.

Maanta waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :-

1- Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.

2- Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

3- Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.

Xildhibaannada Golaha ayaa suโ€™aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay.

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona dhageysiga warbixinnada Guddiyada Joogtada ah.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top