𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 20 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 4-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa sii-wadista dhageysiga Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada DPL.
Maanta waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :-
1-Guddiga Arimaha Deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.
2-Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka
Xildhibaannada Golaha ayaa su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay.
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona dhageysiga warbixinnada Guddiyada Joogtada ah.
DHAMMAAD




