Gaalkacayo, 29 Oktoobar 2026 — Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumaddu, ayaa caawa kulan wadatashi ah la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacayo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhageysiga aragtiyaha, talooyinka iyo soo jeedimaha bulshada ee ku aaddan hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland.
Bulshada ka qaybgalay kulanka ayaa fursad u helay inay guddiga la wadaagaan aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku saabsan hindisaha, kuwaas oo qayb ka ah geeddi-socodka wadatashiga iyo qiimaynta wax-ka-beddelka dastuurka.
DHAMMAAD


