Golaha Wakiillada

July 2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Garowe, 22 July 2026- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Cabdisalaam Hadliye Cumar. Wafdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State University (PSU), Prof. Maxamuud Sheekh Xaamud. Ambassador Cabdisalaam Hadliye Cumar, oo casuumaad rasmi ah ka helay Jaamacadda Puntland State University (PSU), ayaa booqasho ku jooga Puntland. Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada sare ee Puntland, kor u qaadidda tayada tacliinta, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hayโ€™adaha dowladda iyo xarumaha tacliinta sare, si loo kobciyo aqoonta iyo horumarka bulshada. DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Read More ยป

Wax-ka-bedelka xeerka diiwaangelinta cod-bixiyaha Dawladda Puntland.

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ๐Ÿ’ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir guddoomiyey ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐Ÿ“-๐š๐š๐ ee ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhiga maanta Ajandihiisa oo ahaa ka doodista ๐–๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ฐ๐š๐š๐ง๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‚๐จ๐-๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐. Ugu horayn ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š, ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ayaa Golaha u soo jeediyay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan wax-ka-baddelka xeerka. Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey Wax-ka- beddelka Xeerka Diiwaangelinta cod-bixiyaha Dowlada Puntland, Guntanka fadhiga oo ahaa (38) Mudane, waxaa ugu codeeyey oggol (31) Mudane, diidmo (2) Mudane, halka ay ka aamuseen (5) Mudane. Ugu dambeyntii, waxaa xildhibaannada Golaha Wakiillada loo qeybiyey ๐–๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐—๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐ oo Golaha Xukuumamdu soo gudbisey si goluhu ugu sameeyo akhriska 1-aad, iyadoo laga duulayo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland, waxaana dib loogu soo laabandoona Golaha Maalinta Khamiista oo ku beegan 16 Luulyo, 2026 haddii Alle idmo. DHAMMAAD

Wax-ka-bedelka xeerka diiwaangelinta cod-bixiyaha Dawladda Puntland. Read More ยป

W๐’‚๐’™-๐’Œ๐’‚-๐’ƒ๐’†๐’…๐’…๐’†๐’๐’Œ๐’‚ Xeerka ๐‘ซ๐’Š๐’Š๐’˜๐’‚๐’‚๐’๐’ˆ๐’†๐’๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘ช๐’๐’…-๐’ƒ๐’Š๐’™๐’Š๐’š๐’†๐’š๐’‚๐’‚๐’”๐’‰๐’‚ ๐‘ซ๐’๐’˜๐’๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ท๐’–๐’๐’•๐’๐’‚๐’๐’….

Garowe, 13 July 2026- ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—”๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ, ๐—™๐—ฒ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ถ๐—บ๐˜‚๐—พ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—š๐—ผ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ผ๐˜„๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ayaa maanta kulan la-tashi ah la qaatay ๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ iyo ๐——๐—ฎ๐—น๐—น๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—จ๐—ฟ๐˜‚๐—ฟ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฅ๐—ฎ๐˜†๐—ถ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ee Puntland. Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta PDRC ayaa diiradda lagu saaray la-tashiga daneeyayaasha ee ku saabsan ๐’˜๐’‚๐’™-๐’Œ๐’‚-๐’ƒ๐’†๐’…๐’…๐’†๐’๐’Œ๐’‚ xeerka ๐‘ซ๐’Š๐’Š๐’˜๐’‚๐’‚๐’๐’ˆ๐’†๐’๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘ช๐’๐’…-๐’ƒ๐’Š๐’™๐’Š๐’š๐’†๐’š๐’‚๐’‚๐’”๐’‰๐’‚ ๐‘ซ๐’๐’˜๐’๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ท๐’–๐’๐’•๐’๐’‚๐’๐’…. Intii uu kulanku socday, waxaa la is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin la xiriira sidii loo horumarin lahaa hannaanka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, loona xaqiijin lahaa hannaan doorasho oo hufan, daahfuran, isla markaana ay ka wada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha. DHAMMAAD

W๐’‚๐’™-๐’Œ๐’‚-๐’ƒ๐’†๐’…๐’…๐’†๐’๐’Œ๐’‚ Xeerka ๐‘ซ๐’Š๐’Š๐’˜๐’‚๐’‚๐’๐’ˆ๐’†๐’๐’Š๐’๐’•๐’‚ ๐‘ช๐’๐’…-๐’ƒ๐’Š๐’™๐’Š๐’š๐’†๐’š๐’‚๐’‚๐’”๐’‰๐’‚ ๐‘ซ๐’๐’˜๐’๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ท๐’–๐’๐’•๐’๐’‚๐’๐’…. Read More ยป

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa ka qayb-galay furitaanka Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul-daadejinta Hayโ€™adaha Dowladda Puntland.

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, 09 Luulyo 2026โ€“Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta ka qayb-galay Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul-daadejinta Hayโ€™adaha Dowladda Puntland, kaas oo si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Dowladda Puntland. Shirweynaha ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta wada shaqeynta hayโ€™adaha dowladda iyo dardargelinta hirgelinta nidaamka maamul-daadejinta, si kor loogu qaado tayada adeegyada loo fidiyo shacabka. Shirka waxaa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Wakiillada, xubnaha Golaha Wasiirrada Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Hanti-dhowraha Guud, Xisaabiyaha Guud, Agaasimeyaasha Guud, Talisyada Ciidamada Booliiska iyo asluubta, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka socday hayโ€™adaha kala duwan ee Dowladda Puntland. Ajandaha shirweynaha waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey caqabadaha horyaalla dawladaha hoose, iyadoo diiradda la saaray xoojinta hirgelinta maamul-daadejinta, horumarinta adeegyada caddaaladda, kobcinta dakhliga dawladaha hoose, adkaynta amniga iyo kor u qaadista awoodda maamul iyo maaliyadeed ee degmooyinka. Doodaha iyo falanqaynta laga yeeshay qodobadaasi waxay horseedeen talooyin iyo hindise-yaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo tayada adeegyada bulshada, wada shaqeynta hayโ€™adaha dowladda iyo dhismaha maamul hufan oo waara. Guddiyada Golaha Wakiillada ee ka qayb-galay shirweynaha ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan natiijooyinka kormeeradii Golaha Wakiilladu ku sameeyey degmooyinka Puntland. Warbixinnadu waxay iftiimiyeen heerka adeegyada ay bixiyaan dawladaha hoose, caqabadaha jira iyo baahiyaha mudnaanta u leh in wax laga qabto. Guddiyadu waxay sidoo kale soo jeediyeen talooyin lagu xoojinayo hirgelinta maamul-daadejinta, tayeynta adeegyada bulshada, kobcinta dakhliga dawladaha hoose iyo dardargelinta wada shaqeynta hayโ€™adaha dowladda, si xal waara loogu helo caqabadaha lagu ogaaday kormeerada Golaha. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, oo shirweynaha ka jeediyey khudbad, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay tayeynta adeeg-bixinta dawladaha hoose iyo xoojinta nidaamka maamul-daadejinta. Waxa uu xusay in Golaha Wakiilladu, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee xeer-dejinta, matalaadda shacabka iyo la-xisaabtanka hayโ€™adaha fulinta, uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta dawladaha hoose iyo dhismaha hayโ€™ado awood u leh inay si hufan ugu adeegaan bulshada. Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiilladu uu ansixiyey xeerar muhiim u ah nidaamka dawladaha hoose, isla markaana guddiyada Golaha ay si joogto ah u fuliyaan kormeerro iyo dabagal lagu qiimeeyo adeegyada ay bixiyaan degmooyinka, caqabadaha jira iyo baahiyaha u baahan in wax laga qabto. Waxa uu xusay in natiijooyinka kormeeradaasi ay muujinayaan baahida loo qabo in la sii xoojiyo awoodda maamul iyo tan dhaqaale ee dawladaha hoose, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah una gaarsiiyaan bulshada adeegyo tayo leh. Gebagebadii, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu muujiyey rajada uu ka qabo in shirweynahani uu ka soo baxo go’aanno iyo talooyin wax-ku-ool ah oo gacan ka geysanaya xallinta caqabadaha jira, xoojinta wada shaqeynta hayโ€™adaha dowladda, horumarinta dawladaha hoose iyo hirgelinta nidaam dowladeed ku dhisan isla xisaabtan, hufnaan iyo adeeg bulsho oo tayo leh. DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa ka qayb-galay furitaanka Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul-daadejinta Hayโ€™adaha Dowladda Puntland. Read More ยป

ka dooddista waxka bedelka xeerka Degmooyinka iyo dhismaha Dawladaha Hoose

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Ÿ“ ๐‰๐ฎ๐ฅ๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” โ€“ Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo Ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ๐ŸŽ-๐š๐š๐ ee ๐Š๐š๐ฅ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐Ÿ“๐Ÿ–-๐š๐š๐ ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajandaha fadhigan ayaa ahaa ka shaqaynta ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐—๐ž๐ž๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š, ๐ƒ๐ž๐ ๐ฆ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐ž๐ž Dawladda ๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐. Ugu horayn ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š, ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ayaa Golaha u soo jeediyay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan wax-ka-baddelka xeerka. Intaas kadib, Xildhibaannada Golaha ayaa si qodob-qodob ah u guda galay ๐๐จ๐จ๐๐๐š, ๐ฐ๐š๐ฑ-๐ค๐š-๐›๐ž๐๐๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐š๐š๐›๐ข๐ฌ๐ญ๐š xeerka, iyadoo la qorsheeyay in dooddu ay sii socoto fadhiyada dambe. DHAMMAAD

ka dooddista waxka bedelka xeerka Degmooyinka iyo dhismaha Dawladaha Hoose Read More ยป

Guddiga Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha wakiillada ayaa kulan la tashi ah oo ku saabsan wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose kala yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Caasimadda, ku-xigeenkiisa iyo hawl-wadeenno ka tirsan Dowladda Hoose ee Garoowe.

Garoowe, 2 Luulyo 2026 โ€“ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š, ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan la-tashi ah oo ku saabsan wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose la yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Caasimadda Garoowe, ku-xigeenkiisa iyo hawl-wadeenno ka tirsan Dowladda Hoose ee Garoowe. Kulanka, oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, Mudane Xildhibaan Cabdirisaaq Jaamac Aadan, ayaa ujeeddadiisu ahayd in la helo talooyin iyo aragtiyo ku saabsan geeddi-socodka wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose. Xeerkan oo maraya akhriskiisa labaad, si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada. Intii uu kulanku socday, guddigu waxa uu masโ€™uuliyiinta weydiiyey suโ€™aalo la xiriira qodobbada xeerka, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu tayeeyo xeerka, isla markaana loo fududeeyo hirgelintiisa iyo dhaqangelintiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ururinta talooyinka iyo fikradaha la xiriira dib-u-eegista xeerka, si loo diyaariyo xeer waafaqsan baahiyaha maamulka iyo horumarinta nidaamka dowladaha hoose. Masโ€™uuliyiinta Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa ka jawaabay suโ€™aalihii la weydiiyey, iyagoo sidoo kale soo jeediyey talooyin iyo aragtiyo ku saabsan qodobbada wax laga weydiiyey, si xeerku u noqdo mid ka jawaabaya baahiyaha jira isla markaana fududeeya hannaanka maamulka dowladaha hoose. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha wakiillada ayaa kulan la tashi ah oo ku saabsan wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dowladaha Hoose kala yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Caasimadda, ku-xigeenkiisa iyo hawl-wadeenno ka tirsan Dowladda Hoose ee Garoowe. Read More ยป

Scroll to Top