Golaha Wakiillada

October 2026

Guddiga Gaarka ahee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka ayaa caawa kulan wadatashi ah la yeeshay bulshada magaalada Gaalkacayo.

Gaalkacayo, 29 Oktoobar 2026 — Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumaddu, ayaa caawa kulan wadatashi ah la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacayo. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhageysiga aragtiyaha, talooyinka iyo soo jeedimaha bulshada ee ku aaddan hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland. Bulshada ka qaybgalay kulanka ayaa fursad u helay inay guddiga la wadaagaan aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku saabsan hindisaha, kuwaas oo qayb ka ah geeddi-socodka wadatashiga iyo qiimaynta wax-ka-beddelka dastuurka. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ahee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka ayaa caawa kulan wadatashi ah la yeeshay bulshada magaalada Gaalkacayo. Read More »

Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada Puntland

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 28 Oktober 𝟐𝟎𝟐6 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire , iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 4-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa sii wadidda dhageysiga warbixinnada guddiyada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Maanta waxaa warbixintooda Golaha la wadaagay guddiga kala ah :- 1. Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska. 2. Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah. 3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda. 4. Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha. Xildhibaannada Golaha ayaa su’aalo iyo faahfaahin dheeraad ah ka waydiiyay guddiyada warbixinnadii iyo kormeeradii ay soo sameeyeen muddadii u dambeysay. DHAMMAAD

Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 26 Oktober 𝟐𝟎𝟐6 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire , iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟗-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada. Ajandaha fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray 𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟗-𝐚𝐚𝐝, iyadoo loo marayo habraaca uu qeexayo Qodobka 42-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha. Intaas kaddib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa si rasmi ah u guda galay doodda iyo ansixinta Ajandayaasha, waxaana ugu dambeyn ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 59-aad. Ajandaha la ansixiyay ayaa si rasmi ah loogu qaybin doonaa Xildhibaannada Golaha maalinta berri oo ku beegan 27ka Oktoobar 𝟐𝟎𝟐6, si loo guda galo ajandayaasha ku xusan. DHAMMAAD –

Fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada. Read More »

Furitaanka Kal-fadhiga 59-aad Ee Golaha Wakiillada Puntland

Garowe, 25 Oktoobar 2026- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire iyo Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa goob joog ahaa Furitaanka Kal-fadhiga 59-aad Ee Golaha. Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo furay Kal-fadhiga 59-aad, waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka H.E Ilyas Osman Lugatoor, Xildhibaannada Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xeer ilaaliyaha Guud, Xubno katirsan Garsoorka, Isimo, Culimo, ururrada bulshada rayidka ah, saraakiil iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga, isagoo si qoto dheer uga hadlay Waxqabadkii Golaha ee mudada labada kala fadhi,doorka Baarlamaanka 6-aad ee dhinacyada metelaadda shacabka, xeer-dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo samaynta korjoogtaynta Golaha Wakiillada. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horjeediyey Golaha waxqabadka Xukuumadda muddadii u dhaxayasey labada kalfadhi, islamarkaana si rasmi u furay Kal-fadhiga 59-aad, sida ku xusan qodobka 80-aad, farqaddiisa 12-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland. DHAMMAAD –

Furitaanka Kal-fadhiga 59-aad Ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland.

Garoowe, October 21, 2026 – Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulan shaqo la qaatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland. Kulanka oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Dhahar, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha shaqada iyo bulshada, iyadoo xubnaha guddigu ay su’aalo la xiriira waajibaadka iyo howlaha wasaaradda weydiiyeen masuuliyiinta wasaaradda. Dhankooda, masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka jawaabay su’aalihii ay guddigu soo bandhigeen, iyagoo faahfaahin ka bixiyey howlaha iyo adeegyada wasaaraddu u hayso bulshada. Kulankan ayaa qayb ka ah waajibaadka kormeer iyo dabagal ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqada hay’adaha dowladda iyo gudashada waajibaadkooda. DHAMMAAD

Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland. Read More »

Guddiga loo xilsaaray qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay jaamacadaha Puntland.

Garoowe, 19-ka Oktoobar 2026 — Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumaddu, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay jaamacadaha Puntland. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo aqoonyahanka jaamacadaha ay soo bandhigeen aragtiyahooda, talooyinkooda iyo soo-jeedimahooda ku aaddan wax-ka-beddellada ay u arkaan in lagu sameeyo hindisaha. Ugu dambayn, kulanku wuxuu qayb ka yahay dadaallada Guddiga Gaarka ah ee ku aaddan ballaarinta wadatashiyada iyo ururinta aragtiyaha qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo hannaan wadatashi oo loo dhan yahay, loona tixgeliyo talooyinka iyo soo-jeedimaha daneeyayaasha. DHAMMAAD

Guddiga loo xilsaaray qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay jaamacadaha Puntland. Read More »

Golaha wakiillada puntland oo qabtay kulan heersare ah oo ku saabsan u-qareemida iyo ilaalinta xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Garoowe, Puntland – 13 Oktoobar 2026: Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabtay kulan heer-sare ah oo diiradda lagu saaray u-qareemidda, ilaalinta xuquuqda iyo wax-ka-qabashada caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Puntland. Kulanka waxaa soo qabanqaabiyey Golaha Wakiillada, waxaana ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee Golaha, Guddiga Gaarka ah ee Goluhu u xilsaaray u-kuurgelidda xaaladda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Puntland ; Caddaaladda, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Arrimaha Bulshada, Amniga, Hawlaha Guud, Qorshaynta, iyo Madaxtooyada iyo sidoo kale wakiillo ka socday dalladda bulshada rayidka ah, dalladaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo xarumaha u adeega bulshadaas. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd soo bandhigidda natiijooyinka kormeerka iyo u-kuurgelidda uu Golaha Wakiilladu ku sameeyey xaaladda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, falanqaynta caqabadaha haysta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha ay khusayso, si loo helo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqdooda iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah. Kulanka waxaa furay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kaddibna Guddiga Gaarka ah ee loo xilsaaray hawshan ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan natiijooyinka kormeerka, duruufaha iyo caqabadaha ay la kulmaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo talooyinka iyo go’aamada Golaha ee ku aaddan wax-ka-qabashada arrimahaas. Sidoo kale, wakiillada dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa madasha ku soo bandhigay aragtiyahooda, waayo-aragnimadooda iyo talooyinkooda ku saabsan sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqdooda, karaamadooda, ka-qaybgalka buuxa ee bulshada iyo helitaanka adeegyo waafaqsan baahiyahooda. Mas’uuliyiinta Wasaaradaha ka qaybgalay ayaa iyaguna soo bandhigay warbixinno la xiriira adeegyada ay hay’adahoodu u fidiyaan bulshadaas, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyadaasi. Falanqayn qotodheer kaddib, waxaa la isku raacay muhiimadda ay leedahay in talooyinka iyo go’aamada Golaha Wakiillada loo beddelo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo la fulin karo, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta, isku-duwidda iyo isla-xisaabtanka hay’adaha ay khusayso. Qodobada mudnaanta leh ee kulanka lagu adkeeyey waxaa ka mid ah: 1. In Dowladda Puntland mudnaan gaar ah siiso ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo baahiyaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba, lana dardargeliyo diyaarinta iyo meelmarinta xeer gaar ah oo nidaaminaya daryeelkooda, taakulayntooda iyo ilaalinta xuquuqdooda, si waafaqsan Qodobka 34-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland. 2. In la helo cid si gaar ah ugu xilsaaran u qareemidda, Ururinta xogaha, ilaalinta xuquuqda, daryeelka iyo adeeg bixinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo agoomaha Puntland. 3. In Wasaaradda Maaliyaddu mudnaan siiso sii-daynta qoondada miisaaniyadeed ee loogu talagalay daryeelka iyo taakulaynta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, lana xaqiijiyo in dhaqaalahaasi si hufan ugu baxo ujeeddooyinkii loo asteeyey. Sidoo kale, in la xoojiyo taageerada maaliyadeed, agabka iyo adeegyada ay u baahan yihiin xarumaha daryeelka, lana sameeyo kormeer joogto ah oo lagu qiimeeyo tayada adeegyada ay bixiyaan. 4. In Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashadu xoojiyaan adeegyada caafimaad iyo waxbarasho ee ku habboon baahiyaha gaarka ah, lana xaqiijiyo helitaanka xarumo caafimaad oo dowladeed iyo fursado waxbarasho oo loo dhan yahay, si carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay u helaan adeegyo tayo leh oo daboolaya baahiyahooda. 5. In Dowladda Puntland astayso maalin qaran oo u gaar ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si kor loogu qaado wacyiga bulshada, loona xoojiyo fahamka xuquuqdooda, isla markaana looga hortago faquuqa, takoorka iyo caqabadaha hortaagan ka-qaybgalkooda buuxa ee nolosha bulshada. 6. In Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, dalladaha iyo xarumaha u adeega dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku-duwidda adeegyada. Sidoo kale, in dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo ururradooda si toos ah looga qaybgeliyo diyaarinta siyaasadaha, xeerarka iyo qorshayaasha khuseeya xuquuqdooda, baahiyahooda iyo noloshooda. 7. In Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, isaga oo adeegsanaya guddiyada ku shaqada leh, uu la socdo fulinta talooyinka iyo go’aamada laga soo saaray kulanka, qiimeeyo tallaabooyinka ay Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee ay khusayso qaadaan, isla markaana la helo warbixinno muujinaya heerka fulinta, natiijooyinka la gaaray iyo caqabadaha u baahan wax-ka-qabashada. Gunaanad Golaha Wakiillada Dowladda Puntland wuxuu adkaynayaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada dadka baahiyaha gaarka ah qaba, xaqiijinta helitaanka adeegyada aasaasiga ah iyo suurtagelinta ka-qaybgalka buuxa ee bulshada. Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, dalladaha iyo xarumaha u adeega bulshadaasi ay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku-duwidda dadaallada, si talooyinka iyo go’aamada laga soo saaray kulanka loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka taraya duruufaha iyo caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba. DHAMMAAD

Golaha wakiillada puntland oo qabtay kulan heersare ah oo ku saabsan u-qareemida iyo ilaalinta xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada Maxkamada Sare ee Puntland.

Garoowe, October 11, 2026 — Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada ee Garoowe Maxkamada Sare ee Puntland. Kulankan ayaa qayb ka ahaa hawlaha la-tashiyada ballaaran ee uu Guddiga Gaarka ahi la yeelanayo hay’adaha dowladda, Xisbiyada Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka. Gudoomiyaha Guddiga Gaarka ah Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi ayaa uga mahadceliyey Maxkamada Sare ee Puntland ka-qaybgalka kulanka, doorka ay ka qaateen wada-tashiga iyo talooyinka ay soo jeediyeen. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada Maxkamada Sare ee Puntland. Read More »

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC).

#Garoowe, October 7, 2026 — Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland u qaabilsan falanqaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay soo jeediyeen Golaha Xukuumaddu ayaa maanta xarunta Golaha Wakiillada ee Garoowe kulan wadatashi ah la kula yeeshay Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC). Kulanku wuxuu qayb ka yahay la-tashiyada uu Guddiga Gaarka ahi la yeelanayo hay’adaha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa si gaar ah looga wada hadlay qodobbada hindisaha ee khuseeya doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland. Intii kulanku socday, Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa la wadaagay aragtiyihiisa, talooyinkiisa iyo waayo-aragnimadiisa ku saabsan nidaamka doorashooyinka Puntland. Xogta iyo talooyinkaas ayaa kaalin ka qaadanaya falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka. Guddiga Gaarka ahi wuxuu uga mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka (PEC) Puntland ka-qaybgalka kulanka iyo talooyinka ay soo jeedisay. La-tashiyada hay’adaha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sii socon doona, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan hindisaha. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC). Read More »

Scroll to Top