Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC).

#Garoowe, October 7, 2026 — Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland u qaabilsan falanqaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay soo jeediyeen Golaha Xukuumaddu ayaa maanta xarunta Golaha Wakiillada ee Garoowe kulan wadatashi ah la kula yeeshay Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC). Kulanku wuxuu qayb ka yahay la-tashiyada uu Guddiga Gaarka ahi la yeelanayo hay’adaha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaa si gaar ah looga wada hadlay qodobbada hindisaha ee khuseeya doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda Puntland. Intii kulanku socday, Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa la wadaagay aragtiyihiisa, talooyinkiisa iyo waayo-aragnimadiisa ku saabsan nidaamka doorashooyinka Puntland. Xogta iyo talooyinkaas ayaa kaalin ka qaadanaya falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka. Guddiga Gaarka ahi wuxuu uga mahadceliyey Guddiga Doorashooyinka (PEC) Puntland ka-qaybgalka kulanka iyo talooyinka ay soo jeedisay. La-tashiyada hay’adaha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sii socon doona, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan hindisaha. DHAMMAAD

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC). Read More »