Golaha Wakiillada

September 2026

Fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland

Garoowe, Sebtembar 24, 2026 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhiga oo maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee Guddiga Joogtada ah, ayaa warbixinno looga dhegeystay madaxda guddiyada Golaha Wakiillada Puntland. Warbixinnadu waxay ku saabsanaayeen hawlaha iyo waajibaadka loo xilsaaray guddiyada, gaar ahaan arrimaha bulshada iyo u doodista dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Guddiga Joogtada ah ayaa isla qaatay in guddiga gaarka ah ee Golahu u xilsaaray u kuurgelidda xaaladda dadka qaba baahiyaha gaarka ah ay soo diyaariyaan kulan guud, kaasoo lagu soo bandhigayo xogaha iyo warbixinnada laga soo ururiyey goobihii ay guddigu booqdeen iyo hay’adihii ay kulamada la yeesheen. Kulan kaasoo lagu casuumi doono hay’adaha dawladda ee arrimahaani khuseeyaan. Dhinaca kale, Guddiga Joogtada ah ayaa falanqeeyey dib-u-eegista wixii ka qabsoomay baahiyihii laga soo ururiyey kormeeradii ay guddiyadu Golaha Wakiilladu ku tageen gobollada iyo degmooyinka Puntland. Guddigu wuxuu isla qaatay in Golahu uu diiradda saaro raadinta xog dhammaystiran oo ku saabsan wax ka qabashada baahiyahaas iyo waxyaabaha weli dhiman ee u baahan in lagu korjoogteeyo hay’adaha dawladda Puntland. Intii uu fadhigu socday, Guddiga Joogtada ah ayaa sidoo kale ka dooday dardargelinta qorshe-hawleedka guddiyada iyo diyaar-garowga Kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Ugu dambayntii, Guddiga Joogtada ah ayaa isla qaatay in maamulka Golaha uu soo diyaariyo qorshaha iyo jadwalka shaqo ee guddiyada, si guddiyadu uga hawlgalaan ka hor inta uusan bilaaban Kalfadhiga 59-aad, kaasoo qabsoomi doona 25-ka Oktoobar 2026 haddii Alle idmo. DHAMMAAD

Fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland Read More »

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kormeer ku maray Degmada Xaafuun.

Xaafuun, 9 September2026 – Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, oo qayb ka ah wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray goobo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha, dekeddii hore, Raasiga Xaafuun oo ah cirifka ugu dambeeya qaaradda Afrika, Ceelka Shidaalka Iyo Goobo kala duwan oo taariikhi ah oo ku yaalla Degmada Xaafuun, Gobolka Bari. DHAMMAAD

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kormeer ku maray Degmada Xaafuun. Read More »

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aadee Golaha Wakiillada Puntland ayaa qaybgalay Shirweynaha Sannadlaha ah ee Mu’asasada Al-Minhaaj.

Garoowe, 9 September 2026 – Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta ka qaybgalay Shirweynaha Sannadlaha ah ee Mu’asasada Al-Minhaaj, oo looga hadlay dib-u-heshiisiinta, musalaxada, nabadda iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed. Shirweynaha waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Xildhibaanno, Wasiirro iyo xubno sare oo ka tirsan Dowladda Puntland, kuwaas oo qayb ka qaatay doodaha iyo aragti-is-weydaarsiga ku saabsan nabadaynta, wada-hadalka iyo xoojinta wadajirka bulshada. Guddoomiyaha ayaa khudbad uu ka jeediyey shirweynaha ku adkeeyey muhiimadda ay dib-u-heshiisiintu u leedahay nabadda iyo xasilloonida bulshada, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee culimada, hay’adaha madaxa-bannaan iyo bulshada ay ku leeyihiin xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta. Waxa uu sidoo kale madaxda Mu’asasada Al-Minhaaj ku booriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin hay’adaha Dowladda, isagoo caddeeyey in Golaha Wakiillada Puntland uu taageerayo dhammaan dadaallada horseedaya nabad, wada-hadal, is-cafis iyo isku-soo-dhawaanshaha bulshada Soomaaliyeed. DHAMMAAD

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aadee Golaha Wakiillada Puntland ayaa qaybgalay Shirweynaha Sannadlaha ah ee Mu’asasada Al-Minhaaj. Read More »

Scroll to Top