Garoowe, October 21, 2026 – Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa kulan shaqo la qaatay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Puntland.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdicasiis Axmed Dhahar, ayaa diiradda lagu saaray arrimaha shaqada iyo bulshada, iyadoo xubnaha guddigu ay su’aalo la xiriira waajibaadka iyo howlaha wasaaradda weydiiyeen masuuliyiinta wasaaradda.
Dhankooda, masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka jawaabay su’aalihii ay guddigu soo bandhigeen, iyagoo faahfaahin ka bixiyey howlaha iyo adeegyada wasaaraddu u hayso bulshada.
Kulankan ayaa qayb ka ah waajibaadka kormeer iyo dabagal ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqada hay’adaha dowladda iyo gudashada waajibaadkooda.
DHAMMAAD


