πππ«π¨π¨π°π, 12 November πππ6 β Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay π πππ‘π’π π 10-πππ ππ πππ₯ππππ‘π’π π ππ-πππ ee Golaha Wakiillada.
Fadhigii maanta ee Golaha, waxaa lala wadaagay warbixin guud oo ay soo diyaariyeen Guddiga Gaarka ah ee Falanqeynta Hindisaha Wax-ka-beddelka Qodobbada Dastuurka, kaas oo ay hore u soo jeediyeen Golaha Xukuumaddu. Guddigu waxa uu Golaha u soo bandhigay faahfaahinta daraasadda iyo falanqeynta qotoda dheer ee ay ku sameeyeen qodobbada wax-ka-beddelka lagu soo jeediyay.
Sidoo kale, Guddigu waxa uu warbixintiisa ku soo bandhigay natiijooyinka iyo talooyinka ka soo baxay kulamo wadatashi oo kala duwan oo ay la yeesheen hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee Dawladda, iyo weliba aragtiyaha ay ka ururiyeen qeybaha Bulshada Rayidka ah intii ay ku guda jireen shaqadooda.
Warbixintan ayaa qeyb muhiim ah ka ah geeddi-socodka habraaca Wax ka bedelka Dastuurka, iyadoo lagu hubinayo in hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurku uu maro nidaam daahfuran oo wadatashi buuxa ku dhisan ka hor inta uusan Goluhu go’aan kama dambays ah ka gaarin.
Doodaha ku saabsan arrimaha Dastuurka ayaa sii socon doona fadhiyada dambe ee Golaha.
DHAMMAAD



