Golaha Wakiillada

Xildhibaan ka mid ah Golaha Wakiilada Dowlada Puntland ayaa ka qayb galay kulan ku saabsan dhismaha iyo sharciyeynta Guddi Xallinta Khilaafaadka Bulshada (CDRC) ee tuulada Tuurmasaale, Degmada Balidhidin

Balidhidin, 4 Mar 2026: Xildhibaan Faarax Jaamac Yuusuf oo ka mid ah Golaha Wakiilada Dowlada Puntland ayaa ka qayb galay kulan ku saabsan dhismaha iyo sharciyeynta Guddi Xallinta Khilaafaadka Bulshada (CDRC) ee tuulada Tuurmasaale, Degmada Balidhidin.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Wasiir Doowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee Puntland, waxaana ka soo qayb galay odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la xaqiijiyo baahida loo qabo guddigan, isla markaana la hubiyo in xubnaha la soo xulayo ay noqdaan kuwo leh metelaad dhab ah, karti iyo kalsooni bulsho, si ay door wax ku ool ah uga qaataan xallinta khilaafaadka iyo adkaynta nabadda deegaanka.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top