πππ«π¨π¨π°π, 15 November πππ6 β Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa maanta shir-guddoomiyay π πππ‘π’π π 12-πππ ππ πππ₯ππππ‘π’π π ππ-πππ ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista iyo u qareemidda Mashruuca Biyo-saarka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Golaha Wakiillada warbixin ka siiyey Guddiga Horumarinta Degmada, iyagoo faah-faahin ka bixiyey xaaladda mashruuca iyo dedaallada la xiriira hirgelintiisa.
Intaas ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa ka dooday sidii loo xoojin lahaa dedaallada loogu qareemayo Mashruuca Biyo-saarka Magaalada Gaalkacyo, si loo helo taageerada iyo iskaashiga lagama maarmaanka u ah hirgelintiisa.
DHAMMAAD



