Golaha Wakiillada

Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada

π†πšπ«π¨π¨π°πž, 23 November 𝟐𝟎𝟐6 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay π…πšππ‘π’π πš 15-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ—-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Fadhigii maanta ee Golaha, waxaa lala wadaagay warbixin guud oo ay soo diyaariyeen Guddiga Gaarka ah ee Falanqeynta Hindisaha Wax-ka-beddelka Qodobbada Dastuurka.

Intaas ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ka dooday Hindisaha Wax-ka-beddelka Dastuurka, iyagoo aragtiyo iyo talooyin kala duwan ka dhiibtay qodobbada hindisaha ku jira.

Ugudanbayn Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta dood ka yeeshay Hindisaha Wax-ka-beddelka Qodobbada Dastuurka ee xukuumaddu soo jeedisay, waxaa Oggol ugu codeeyay 40 Mudane, waxa diiday 16 Mudane, halka ay ka aamuseen 2 Mudane.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top