Golaha Wakiillada

February 2026

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah

Garoowe, Feb 2, 2026: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah. Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee Puntland, waxaana warbixinno laga dhegeystay Madax-Guddiyeedyada guddiyada Golaha, taasoo ku saabsanayd arrimaha Amniga, siyaasadda, xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaannada Puntland iyo isku dayga sharcidarra ah ee wax-ka-baddelka Dastuurka Ku meel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa warbixin looga dhegeystey guddiyo gaar ah ee Guddiga Joogtada ah u xilsaaray shaqooyinka kala duwan. Warbixinnada guddiyadda kadib, Guddiga Joogtada ah waxay isla qaateen Qodobadan soo socda: 1. In guddiyada gaarka ah ee golahu u xilsaaray shaqooyinka kala duwan ay warbixinnadooda oo dhammaystiran ku soo gudbiyaan fadhiga dambe. 2. In warqad talo-soo-jeedin ah lala wadaago Xukuumadda Puntland, taasoo taabanaysa Amniga gudaha Puntland,Tayeynta hay’adaha dawladda, Arrimaha Garsoorka iyo Caddaaladda, Gurmadka abaaraha, Hannaanka xisbiyada badan, Iyo arrimaha Federaalka Soomaaliya 3. Guddigu wuxuu isla qaatay in Golaha Wakiilladu door muuqda ka qaato gurmadka abaaraha, iyadoo guddiga gaarka ah ee arrimaha abaaruhu si joogto ah ula soconayo xaaladda abaaraha, abaabulka gurmadka, iyo ka jawaabista saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen bulshada. 4. Guddiga joogtada ah wuxuu cambaaraynaya isku day kasta oo wax-ka-beddelka sharci-darradda ah lagu sameeyo ee Dastuurka KMG ah, kaasoo aan marna loo marin hannaanka sharci dejineedkii uu Dastuurku sheegayo, islamarkaana aan laga qayb gelin shacabka iyo golayaasha dowladda Puntland, sida ku cad Qodobada 132 iyo 137 ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. 5. Annagoo wakiil ka ah shacabka Puntland waxaan caddaynaynaa in natiijo kasta oo ka soo baxda wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka KMG ee 2012, iyadoo aan Hay’adaha Puntland si buuxda uga qayb-qaadan si waafaqan Qodobka 4-aad ee Dastuurka Puntland, ay tahay mid waxba kama jiraan ah laguna dhaqikarin Puntland, islamarkaana aan yeelanayn samayn sharciyeed. 6. Waxaan bogaadinaynaa xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee ka horyimid isku dayga wax-ka-beddelka sharci-darrada ah ee Dastuurka KMG ah, kuwaasoo la kulmay caadaadis Amni iyo ka hor-istaag shaqadoodii Dastuuriga ahayd, taasoo muujinaysa khatarta ay ku jiraan hay’adihii Dawladda Federalka Soomaliyeed 7. Ugu dambayn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan midnimada, wadajirka, iyo badbaadinta dalka, gaar ahaan ilaalinta Dastuurka heshiiska lagu yahay ee la ansixiyay sannadkii 2012. DHAMMAAD

Fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah Read More »

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa ka qaybgalay kulan ku saabsan boggaadinta doorkii bulshada ee Hawlgalka Calmiskaad.

Qardho : 01 February 2026 : Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Hon Mohamed Baarri Shire Ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,kala qayb galay kulan ku saabsan boggaadinta doorkii bulshada ee Hawlgalka Calmiskaad oo maraya meel gebogebo ah. Kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaanada Golaha ,Saraakiisha Hawlgalka Calmiskaad, Goleyaasha Dowladda , Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho iyo qeybaha kala duwan ee bulshada . Intuu Kulanku socday waxaa uu Madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey 17 sarkaal oo ku takhasusay ka hortagga walxaha qarxa, kuwaasi oo tababar ku dhammeystay kulliyada tababarka ee degmada Carmo. DHAMMAAD

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada ayaa ka qaybgalay kulan ku saabsan boggaadinta doorkii bulshada ee Hawlgalka Calmiskaad. Read More »

Gudiga gaarka ah ee soo ururinta iyo diiwangelinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Garowe, 1 Febraayo 2026 – Guddiga Gaarka ah ee uu Golaha Wakiilladu u xilsaaray soo ururinta iyo diiwaangelinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa maanta sii waday hawlahooda shaqo. Guddigu waxa uu kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Masuuliyiinta Xarunta Dhagoolayaasha. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xog dhammeystiran oo ka tarjumaysa xaaladda dhabta ah ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha Wasaaradda Caafimaadku uga degsan yihiin wax ka qabashadooda. Xubnaha guddiga ayaa carrabka ku adkeeyay in helitaanka xog sax ah oo la isku halayn karo ay tahay tiir-dhexaadka diyaarinta talooyin iyo go’aanno wax ku ool ah oo mustaqbalka lagu horgeyn doono Golaha Wakiillada, si loo horumariyo adeegyada loo fidiyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba. DHAMMAAD

Gudiga gaarka ah ee soo ururinta iyo diiwangelinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Read More »

Scroll to Top