Garoowe, 23 Oktoobar 2025 โ Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa maanta ka qayb galay kulan muhiim ah oo uu Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Dowlada Puntland, Abdirizak Hidig Warsame, la qaatay howl-wadeennada Golaha, kaasoo diiradda lagu saaray diyaar-garowga furitaanka ๐๐๐ฅ-๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ee Golaha.
Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, waxay Xoghayaha la wadagey warbixin ku saabsan sida waaxyahoodu ugu diyaar garoobeen kala fadhiga, iyadoo la isla meel dhigay talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee kor u qaadaya hufnaanta shaqada Golaha.
Ugu dambayn, Xoghayaha Golaha ayaa kula dardaarmay dhammaan shaqaalaha in ay si daacadnimo leh oo hufan u gutaan waajibaadka ka saaran hirgelinta howlaha Golaha, gaar ahaan intuu socdo kala fadhigu.





DHAMMAAD โ