Garoowe, 19-ka Oktoobar 2026 — Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumaddu, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay jaamacadaha Puntland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo aqoonyahanka jaamacadaha ay soo bandhigeen aragtiyahooda, talooyinkooda iyo soo-jeedimahooda ku aaddan wax-ka-beddellada ay u arkaan in lagu sameeyo hindisaha.
Ugu dambayn, kulanku wuxuu qayb ka yahay dadaallada Guddiga Gaarka ah ee ku aaddan ballaarinta wadatashiyada iyo ururinta aragtiyaha qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo hannaan wadatashi oo loo dhan yahay, loona tixgeliyo talooyinka iyo soo-jeedimaha daneeyayaasha.
DHAMMAAD


