Garoowe, Puntland – 13 Oktoobar 2026: Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabtay kulan heer-sare ah oo diiradda lagu saaray u-qareemidda, ilaalinta xuquuqda iyo wax-ka-qabashada caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Puntland.
Kulanka waxaa soo qabanqaabiyey Golaha Wakiillada, waxaana ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, xubno ka tirsan Guddiga Joogtada ah ee Golaha, Guddiga Gaarka ah ee Goluhu u xilsaaray u-kuurgelidda xaaladda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Puntland ; Caddaaladda, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Arrimaha Bulshada, Amniga, Hawlaha Guud, Qorshaynta, iyo Madaxtooyada iyo sidoo kale wakiillo ka socday dalladda bulshada rayidka ah, dalladaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo xarumaha u adeega bulshadaas.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd soo bandhigidda natiijooyinka kormeerka iyo u-kuurgelidda uu Golaha Wakiilladu ku sameeyey xaaladda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, falanqaynta caqabadaha haysta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha ay khusayso, si loo helo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqdooda iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.
Kulanka waxaa furay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kaddibna Guddiga Gaarka ah ee loo xilsaaray hawshan ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan natiijooyinka kormeerka, duruufaha iyo caqabadaha ay la kulmaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo talooyinka iyo go’aamada Golaha ee ku aaddan wax-ka-qabashada arrimahaas.
Sidoo kale, wakiillada dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa madasha ku soo bandhigay aragtiyahooda, waayo-aragnimadooda iyo talooyinkooda ku saabsan sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqdooda, karaamadooda, ka-qaybgalka buuxa ee bulshada iyo helitaanka adeegyo waafaqsan baahiyahooda.
Mas’uuliyiinta Wasaaradaha ka qaybgalay ayaa iyaguna soo bandhigay warbixinno la xiriira adeegyada ay hay’adahoodu u fidiyaan bulshadaas, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyadaasi.
Falanqayn qotodheer kaddib, waxaa la isku raacay muhiimadda ay leedahay in talooyinka iyo go’aamada Golaha Wakiillada loo beddelo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo la fulin karo, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta, isku-duwidda iyo isla-xisaabtanka hay’adaha ay khusayso.
Qodobada mudnaanta leh ee kulanka lagu adkeeyey waxaa ka mid ah:
1. In Dowladda Puntland mudnaan gaar ah siiso ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo baahiyaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba, lana dardargeliyo diyaarinta iyo meelmarinta xeer gaar ah oo nidaaminaya daryeelkooda, taakulayntooda iyo ilaalinta xuquuqdooda, si waafaqsan Qodobka 34-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.
2. In la helo cid si gaar ah ugu xilsaaran u qareemidda, Ururinta xogaha, ilaalinta xuquuqda, daryeelka iyo adeeg bixinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo agoomaha Puntland.
3. In Wasaaradda Maaliyaddu mudnaan siiso sii-daynta qoondada miisaaniyadeed ee loogu talagalay daryeelka iyo taakulaynta dadka baahiyaha gaarka ah qaba, lana xaqiijiyo in dhaqaalahaasi si hufan ugu baxo ujeeddooyinkii loo asteeyey. Sidoo kale, in la xoojiyo taageerada maaliyadeed, agabka iyo adeegyada ay u baahan yihiin xarumaha daryeelka, lana sameeyo kormeer joogto ah oo lagu qiimeeyo tayada adeegyada ay bixiyaan.
4. In Wasaaradaha Caafimaadka iyo Waxbarashadu xoojiyaan adeegyada caafimaad iyo waxbarasho ee ku habboon baahiyaha gaarka ah, lana xaqiijiyo helitaanka xarumo caafimaad oo dowladeed iyo fursado waxbarasho oo loo dhan yahay, si carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay u helaan adeegyo tayo leh oo daboolaya baahiyahooda.
5. In Dowladda Puntland astayso maalin qaran oo u gaar ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si kor loogu qaado wacyiga bulshada, loona xoojiyo fahamka xuquuqdooda, isla markaana looga hortago faquuqa, takoorka iyo caqabadaha hortaagan ka-qaybgalkooda buuxa ee nolosha bulshada.
6. In Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, dalladaha iyo xarumaha u adeega dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku-duwidda adeegyada. Sidoo kale, in dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo ururradooda si toos ah looga qaybgeliyo diyaarinta siyaasadaha, xeerarka iyo qorshayaasha khuseeya xuquuqdooda, baahiyahooda iyo noloshooda.
7. In Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, isaga oo adeegsanaya guddiyada ku shaqada leh, uu la socdo fulinta talooyinka iyo go’aamada laga soo saaray kulanka, qiimeeyo tallaabooyinka ay Xukuumadda iyo hay’adaha kale ee ay khusayso qaadaan, isla markaana la helo warbixinno muujinaya heerka fulinta, natiijooyinka la gaaray iyo caqabadaha u baahan wax-ka-qabashada.
Gunaanad
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland wuxuu adkaynayaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada dadka baahiyaha gaarka ah qaba, xaqiijinta helitaanka adeegyada aasaasiga ah iyo suurtagelinta ka-qaybgalka buuxa ee bulshada. Goluhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah, dalladaha iyo xarumaha u adeega bulshadaasi ay xoojiyaan wada-shaqaynta iyo isku-duwidda dadaallada, si talooyinka iyo go’aamada laga soo saaray kulanka loogu beddelo tallaabooyin la taaban karo oo wax ka taraya duruufaha iyo caqabadaha haysta dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
DHAMMAAD




