Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa ka qayb-galay furitaanka Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul-daadejinta Hay’adaha Dowladda Puntland.

𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐰𝐞, 09 Luulyo 2026–Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta ka qayb-galay Shirweynaha Xoojinta Wadashaqeynta iyo Maamul-daadejinta Hay’adaha Dowladda Puntland, kaas oo si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Dowladda Puntland. Shirweynaha ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta hirgelinta nidaamka maamul-daadejinta, si kor loogu qaado tayada adeegyada loo fidiyo shacabka.

Shirka waxaa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, qaar ka mid ah Guddiyada Golaha Wakiillada, xubnaha Golaha Wasiirrada Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Hanti-dhowraha Guud, Xisaabiyaha Guud, Agaasimeyaasha Guud, Talisyada Ciidamada Booliiska iyo asluubta, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

Ajandaha shirweynaha waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyey caqabadaha horyaalla dawladaha hoose, iyadoo diiradda la saaray xoojinta hirgelinta maamul-daadejinta, horumarinta adeegyada caddaaladda, kobcinta dakhliga dawladaha hoose, adkaynta amniga iyo kor u qaadista awoodda maamul iyo maaliyadeed ee degmooyinka. Doodaha iyo falanqaynta laga yeeshay qodobadaasi waxay horseedeen talooyin iyo hindise-yaal wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo tayada adeegyada bulshada, wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dhismaha maamul hufan oo waara.

Guddiyada Golaha Wakiillada ee ka qayb-galay shirweynaha ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan natiijooyinka kormeeradii Golaha Wakiilladu ku sameeyey degmooyinka Puntland. Warbixinnadu waxay iftiimiyeen heerka adeegyada ay bixiyaan dawladaha hoose, caqabadaha jira iyo baahiyaha mudnaanta u leh in wax laga qabto. Guddiyadu waxay sidoo kale soo jeediyeen talooyin lagu xoojinayo hirgelinta maamul-daadejinta, tayeynta adeegyada bulshada, kobcinta dakhliga dawladaha hoose iyo dardargelinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda, si xal waara loogu helo caqabadaha lagu ogaaday kormeerada Golaha.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, oo shirweynaha ka jeediyey khudbad, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay tayeynta adeeg-bixinta dawladaha hoose iyo xoojinta nidaamka maamul-daadejinta. Waxa uu xusay in Golaha Wakiilladu, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee xeer-dejinta, matalaadda shacabka iyo la-xisaabtanka hay’adaha fulinta, uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta dawladaha hoose iyo dhismaha hay’ado awood u leh inay si hufan ugu adeegaan bulshada.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiilladu uu ansixiyey xeerar muhiim u ah nidaamka dawladaha hoose, isla markaana guddiyada Golaha ay si joogto ah u fuliyaan kormeerro iyo dabagal lagu qiimeeyo adeegyada ay bixiyaan degmooyinka, caqabadaha jira iyo baahiyaha u baahan in wax laga qabto. Waxa uu xusay in natiijooyinka kormeeradaasi ay muujinayaan baahida loo qabo in la sii xoojiyo awoodda maamul iyo tan dhaqaale ee dawladaha hoose, si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah una gaarsiiyaan bulshada adeegyo tayo leh.

Gebagebadii, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu muujiyey rajada uu ka qabo in shirweynahani uu ka soo baxo go’aanno iyo talooyin wax-ku-ool ah oo gacan ka geysanaya xallinta caqabadaha jira, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda, horumarinta dawladaha hoose iyo hirgelinta nidaam dowladeed ku dhisan isla xisaabtan, hufnaan iyo adeeg bulsho oo tayo leh.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top