Golaha Wakiillada

Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada Maxkamada Sare ee Puntland.

Garoowe, October 11, 2026 — Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray falanqaynta iyo qiimaynta hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka ee ay soo gudbiyeen Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada ee Garoowe Maxkamada Sare ee Puntland.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa hawlaha la-tashiyada ballaaran ee uu Guddiga Gaarka ahi la yeelanayo hay’adaha dowladda, Xisbiyada Siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si loo helo aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka.

Gudoomiyaha Guddiga Gaarka ah Xildhibaan Maxamuud Dhakuul Xirsi ayaa uga mahadceliyey Maxkamada Sare ee Puntland ka-qaybgalka kulanka, doorka ay ka qaateen wada-tashiga iyo talooyinka ay soo jeediyeen.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top