Golaha Wakiillada

Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aadee Golaha Wakiillada Puntland ayaa qaybgalay Shirweynaha Sannadlaha ah ee Mu’asasada Al-Minhaaj.

Garoowe, 9 September 2026 – Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta ka qaybgalay Shirweynaha Sannadlaha ah ee Mu’asasada Al-Minhaaj, oo looga hadlay dib-u-heshiisiinta, musalaxada, nabadda iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Shirweynaha waxaa sidoo kale ka qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, Xildhibaanno, Wasiirro iyo xubno sare oo ka tirsan Dowladda Puntland, kuwaas oo qayb ka qaatay doodaha iyo aragti-is-weydaarsiga ku saabsan nabadaynta, wada-hadalka iyo xoojinta wadajirka bulshada.

Guddoomiyaha ayaa khudbad uu ka jeediyey shirweynaha ku adkeeyey muhiimadda ay dib-u-heshiisiintu u leedahay nabadda iyo xasilloonida bulshada, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee culimada, hay’adaha madaxa-bannaan iyo bulshada ay ku leeyihiin xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta.

Waxa uu sidoo kale madaxda Mu’asasada Al-Minhaaj ku booriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay la leeyihiin hay’adaha Dowladda, isagoo caddeeyey in Golaha Wakiillada Puntland uu taageerayo dhammaan dadaallada horseedaya nabad, wada-hadal, is-cafis iyo isku-soo-dhawaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top