Garoowe, Sebtembar 24, 2026 — Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland.
Fadhiga oo maanta ka qabsoomay hoolka shirarka ee Guddiga Joogtada ah, ayaa warbixinno looga dhegeystay madaxda guddiyada Golaha Wakiillada Puntland. Warbixinnadu waxay ku saabsanaayeen hawlaha iyo waajibaadka loo xilsaaray guddiyada, gaar ahaan arrimaha bulshada iyo u doodista dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Guddiga Joogtada ah ayaa isla qaatay in guddiga gaarka ah ee Golahu u xilsaaray u kuurgelidda xaaladda dadka qaba baahiyaha gaarka ah ay soo diyaariyaan kulan guud, kaasoo lagu soo bandhigayo xogaha iyo warbixinnada laga soo ururiyey goobihii ay guddigu booqdeen iyo hay’adihii ay kulamada la yeesheen. Kulan kaasoo lagu casuumi doono hay’adaha dawladda ee arrimahaani khuseeyaan.
Dhinaca kale, Guddiga Joogtada ah ayaa falanqeeyey dib-u-eegista wixii ka qabsoomay baahiyihii laga soo ururiyey kormeeradii ay guddiyadu Golaha Wakiilladu ku tageen gobollada iyo degmooyinka Puntland. Guddigu wuxuu isla qaatay in Golahu uu diiradda saaro raadinta xog dhammaystiran oo ku saabsan wax ka qabashada baahiyahaas iyo waxyaabaha weli dhiman ee u baahan in lagu korjoogteeyo hay’adaha dawladda Puntland.
Intii uu fadhigu socday, Guddiga Joogtada ah ayaa sidoo kale ka dooday dardargelinta qorshe-hawleedka guddiyada iyo diyaar-garowga Kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Ugu dambayntii, Guddiga Joogtada ah ayaa isla qaatay in maamulka Golaha uu soo diyaariyo qorshaha iyo jadwalka shaqo ee guddiyada, si guddiyadu uga hawlgalaan ka hor inta uusan bilaaban Kalfadhiga 59-aad, kaasoo qabsoomi doona 25-ka Oktoobar 2026 haddii Alle idmo.
DHAMMAAD

