πππ«π¨π¨π°π, 23 November πππ6 β Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Hon Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay π πππ‘π’π π 15-πππ ππ πππ₯ππππ‘π’π π ππ-πππ ee Golaha Wakiillada.
Fadhigii maanta ee Golaha, waxaa lala wadaagay warbixin guud oo ay soo diyaariyeen Guddiga Gaarka ah ee Falanqeynta Hindisaha Wax-ka-beddelka Qodobbada Dastuurka.
Intaas ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ka dooday Hindisaha Wax-ka-beddelka Dastuurka, iyagoo aragtiyo iyo talooyin kala duwan ka dhiibtay qodobbada hindisaha ku jira.
Ugudanbayn Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta dood ka yeeshay Hindisaha Wax-ka-beddelka Qodobbada Dastuurka ee xukuumaddu soo jeedisay, waxaa Oggol ugu codeeyay 40 Mudane, waxa diiday 16 Mudane, halka ay ka aamuseen 2 Mudane.
DHAMMAAD




