Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta Daah-furay mashruuc ka shaqaynta Horumarka Haweenka Puntland.
Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL waxaa ku wehlinayey xubno ka tirsan Goleyaasha Dawladda, isaga oo xusay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, waxa uuna boggaadiyey mashruuc ka shaqaynta Horumarka Haweenka, iyo ka qayb galaan siyaasadda & hoggaaminta.
Mashruucaan ayaa xooga saaraha arrimaha Waxbarashada, Nabadda, Caafimaadka ganacsiga iyo doorka Haweenka ee ka qeyb-galka Siyaasadda dalka.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland