Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Garoowe (SAWIRO)

Garoowe, September 17, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo mudooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda Puntland es Garoowe, iyadoo Garoonka Diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno, Wasiiro, Maamulka Gobolka Nugaal, Saraakiil iyo dadweyne kale.

Guddoomiyaha oo soo dhaweyn kadib loosoo galbiyey qaybta nasiinada ee Garoonka ayaa la hadlay Warbaahinta, waxaana uu ka mahadceliyey soodhweynta sare ee loo sameeyey.

Guddoomiyaha oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa yiri “Kalfadhigii 50-aad ee Goluhuna waa inoo furanyahay, waxaan rajeyn doona in dhakhso aan u howlgali doono, marka aan latashado Guddoomiye ku-xigeenada iyo Guddiyada Golaha”.

Guddoomiyaha oo u hambalyeey Doorashadii Golaha Degaanka ee Degmada Eyl oo lagu doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen iyo sidoo kale, Barnaamijka Dimiqraadiyada Puntland, ayaa dhinaca kale shacabweynaha reer Puntland u sheegay in 8-da January 2024 uu marwalba uu dalku doorasho gali-doono.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top