Golaha Wakiillada

Guddiga Shuruucda & Caddaaladda iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka & Arrimaha Qoyska ee Golaha Wakiillada ayaa gaaray Qardho ( SAWIRO)

Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka & Arrimaha Qoyska ee Golaha Wakiillada DPL ayaa kormeer ku tagay degmada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Guddiyada ayaa booqday Xafiisyada kala duwan ee dawladda sida Xarunta degmada, Maamulka Gobolka, xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka, Maxkamadda Darajada 1-aad & Racfaanka, Taliska Booliska ee degmada Qardho, Taliska Qaybta Boliiska ee Gobolka Karkaar iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Qardho.

Waxay Guddiyadu warbixino ballaaran oo dhinacyo badan taabanaysa ka dhagaysteen dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan, iyagoo Guddiyada uga warbixiyey xaladda degmada iyo guud ahaanba Gobolka, hawlaha qabsoomay iyo caqabadaha, iyagoo mudanayaasha uga mahadceliyey kormeerka ay ku yimadeen gobolka si ay ugu kuurgalaan baahiyaha jira.

Intii ay ku guda-jireen booqashadooda, waxay sidoo kale Guddiyadu wareysteen maxaabiista ku xiran xabsiyada iyagoo ka dhagaystey warbixino la xiriira xaaladdooda nololeed, baahiyahooda iyo tabashooyinka ay qabaan.

Ugu dambeyntii Guddiyada ayaa ballanqaaday in ay warbixinta la wadaagi doonaaan cid kasta oo ay khuseyso, kana jeedin doonaan Kalfadhiga soo socda, ayna ku dadaali doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee degmada iyo guud ahaanba gobolka.

DHAMMAAD

Faah-faahin kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Facebook: https://www.facebook.com/Parliamentofpl

Telegram: https://t.me/parliamentofpl

Twitter: https://twitter.com/Parliamentofpl

Instagram: https://instagram.com/parliamentofpl

LinkedIn: https://www.linkedin.com/parliamentofpl

Flickr: https://www.flickr.com/photos/190151741@N02/

YouTube: https://youtube.com/channel/UCe2H4Gvf_mwL852bBdNgiMw

E-mail: info@puntlandparliament.com

Website: http://puntlandparliament.com

Scroll to Top