Garoowe, November 19, 2022: Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Fadhiga maanta waxaa ugu horeyn warbixin ka soo jeediyey Guddiga Arrimaha bulshada dhaqanka warfaafinta & isgaarsiinta taas oo ku saabsan wax kabedelka xeerka howlgabka & liiltirka shaqaalaha rayidka ah, waxaana Guddigu ay codsadeen in maalmo dheeri ah loogu daro.
Soojeedinta Guddiga oo cod loo qaaday waxaa ogolaatay 23 Mudane, 7 Mudane ayaa diiday halka ay ka aamuseen 6 xildhibaan, sidaasna ayey ku dhaqan gashay.
Sidoo kale Golaha ayaa waxaa loo qaybiyey wax kabadelka xeerka shaqaalaha rayidka ah, kaas oo lagu wareejiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, waxaana Goluhu isku raacay in muddo 10-maalin ah Guddigu ay ku soo gaba-gabeeyaan labada xeer.
Ugu dambeyn, Golaha Wakiillada DPL ayaa isku raacay in la soo hormariyo qodobka 13-aad ee ajandaha oo ah Ansixinta Miisaaniyadda Dawladda 2023 islamarkaana berri la hor keeno Golaha Wakiillada, si loo mariyo habraacyada kala duwan ee ku cad xeer hoosaadka iyo dastuurka DPL.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland