Garoowe: November 21, 2022: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan iyo wefti ka yimid Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka qayb galay Salaada Janaasada maydka Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo saaka Garoowe lagu tukaday.
Sidoo kale Salaada waxaa ka qayb galay isimmo kaladuwan oo ka yimid geyiga Soomaalida, kuwaas oo ay kamid yihiin Boqor Burhaan Boqor Muuse, Boqor Cismaan Maxamuud (buur-madow), Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Jaamac Garaad Cali, Madaxweynihii hore ee Puntland senatar Faroole, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno ka mid ah Golaha Wakiillada, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Culimaa’udiin iyo marti sharaf kale
Gudoomiyaha isimmada iyo madaxda kale ayaa salaatul Jinaasada kadib u duceeyey Marxuum Garaad Saleebaan oo ka mid ahaa hormuudka Golaha dhaqanka Puntland, kana shaqeyn jiray nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshooyinka.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland