GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL OO LAGU SOO DHAWEEYEY HADAAFTIMO.
Hadaaftimo, May 18, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan iyo boqolaal kamid ah shacabka Hadaaftimo.
Guddoomiyaha oo salaan la dhex qaaday dadweynaha farabadan ee soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee lagu maamuusay.
Guddoomiyaha oo dadweynaha reer Hadaaftimo kula hadlay bartamaha magaalada ayaa ugu baaqay inay codkooda dhiibtaan 25-may 2023.
Ugu, dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa kormeeray mashruuc Wasaaradda Deegaanka ay ka fulisay duleedka Hadaaftimo, kaas oo lagu xakameeyey boholo dilaacay.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.