Garoowe, June 04, 2023: Guddiga arrimaha gudaha, federaalka & dimuqraadiyadda iyo Guddiga xuquuqda aadanaha, arrimaha qoyska & horumarinta haweenka oo maanta booqday xafiiska difaacaha xuquuqda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Xafiiska.
Warbixinta xafiisku uu la wadaagay Guddiyada oo ku saabsanayd heerka wakhtigan ay gaarsiisan tahay xaalada xuquuqda aadanaha Puntland, ayaa sheegay inay diiwaan geliyeen dhammaan dhacdooyinkii 6-dii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ka dhan ahaa xuquuqda aadanaha.
Mudaneyaasha oo su’aalo ka weydiiyey arrimaha uu ka hadlay Guddoomiyaha xafiisku, ayaa balanqaaday in warbixinadaasi oo dhameystiran laga soo jeedin doono kalfadhiga guud ee Golaha Wakiillada.
DHAMMAAD