Garoowe, June 10, 2023: Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka Booliska DPL oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka iyo saraakiil kale.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada DPL ayaa ahaa is xog wareysi, iyadoo Taliska Boolisku uu Guddiga la wadagaay horumarka laga gaaray sugida amaanka, caqabadaha jira iyo guud xaalada amni ee wakhtigan ka jirta dalka.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland