Garoowe, June 12, 2023: Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Amniga DPL.
Guddiga oo Wasaaradda Amniga ugu yeeray aqalka Wakiillada ayaa warbixin ka dhageystay, taas oo ku aadan guud ahaan xaaladaha amni ee dalka, waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabadaha haysta, iyagoo sidoo kalena su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen.
Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada ayaa u xil-saaran la socodka xaaladaha nabadgelyo iyo amni ee dalka, ururinta dhacdooyinka nabadgelyo iyo amni xumo ee u baahan wax looga qabto.
DHAMMAAD.