Golaha Wakiillada

Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta xarunta Golaha ugu yeeray Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.

Garoowe, June 13, 2023: Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka & Dimuqraadiyadda ayaa maanta xarunta Golaha ugu yeeray Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.

Shirka ayey Guddigu ku dhageysteen warbixin ku saabsan shaqooyinka Wasaaraddu u hayso dadweynaha reer Puntland, caqabadaha jira iyo waxyaabaha u qabsoomay, iyadoo warbixintaasi kadib Guddigu su’aalo ka weydiiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha ay ka hadleen.

Ugu dambeyntii, Xildhibaannada ayaa sheegay in warbixino ku saabsan korjoogtayn ay mudooyinkan Guddigu wadeen ay horgeyn doonaan Kalfadhiga guud ee Baaralamaanka.

DHAMMAAD

Scroll to Top