15 Jun, 2023
Garoowe, Puntland, Soomaaliya
Madaxweynaha Dawladda Puntland Md. Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka DPL Md. Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Md. C/casiis C/laahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Md. Ismaaciil Maxmed Warsame, Xubnaha Golaha Wakiillada DPL, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare DPL, Golaha Wasiirada, Golaha Garsoorka, Xubnaha Aqalka Sare BFS, Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquul Insaanka, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada, Cullimada, Ururrada Siyaasadda, Nabadoonnada, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Ururka Haweenka, Ciidanka Amniga, Saraakiisha iyo Hawl-wadeennada Golaha, dhammaan marti-sharafta iyo dadweynaha warbaahinta nagala socda waxaan idinku salaamayaa dhammaantiin Salaanta Islaamka.
Assalamu Alaikum Wa Rahmatullahi Wa Barakatuh
Waxaa sharaf noo ah inaad nagala soo qaybgashaan munaasibadda furitaanka kal-fadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada oo maanta oo taariikhdu tahay 15/Juun/2023 halkan inooga furmidoona, waxaan dhammaantiin idiinka mahadcelinayaa kasoo qaybgalka aad nagala soo qaybgasheen munaasibadan.
Kalfdhigan 52-aad ee Golaha Wakiilladu wuxuu ka mid yahay waajibaadka Dastuuriga ah ee ay gutaan Golaha Wakiilladu, waxaana diiradda lagu saari doonaa waajibaadka Dastuuriga ah ee Goluhu u xil-saaran yahay, kuwaas oo ay ugu mudan yihiin dhinacyada xeer-dejinta, metelaadda dadweynaha iyo kor-joogtaynta Hay’adaha Dawladda, kuwaas oo dhammaantood ku cad ajandaha kalfadhigan 52-aad.
Mudane Madaxweyne, mudanayaal iyo Marwooyin; Golaha Wakiilladu isagoo ka duulaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah iyo ajandihii kalfadhiga 51-aad, islamarkaasna gudanaya qorshe hawleedkii kalfadhigaas, waxaa noo qabsoomay;
1. Waxaa Golaha loo soo gudbiyey warbixinta guddiyada Golaha, taasoo ku aadanayd kormeerada iyo dabagalka Hay’adaha Dawladda, waxqabadka xukuumadda, baahiyaha bulshada iyo caqabadaha jira.
2. Waxaa Golaha lagu hor-dhaariyey Axmed Bashiir Askar Xuseen oo xubin ka noqday Golaha Wakiillada isagoo bedeley Allah ha u naxariistee Xildhibaan hore Bashiir Askar Xuseen.
3. Goluhu wuxuu xasaanad siiyey Xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha dadweynaha ee loo soo magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka.
4. Xasaanadsiinta xubnaha Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah.
5. Ansixinta Wasiiro Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno, si waafaqsan qodobka 64-aad ee Dastuurka.
6. Soo saarista go’aan gole oo ku aaddan natiijadii ka soo baxday la xisaabtankii xukuumadda, go’aannadaas oo xambaarsanaa, wax-ka-qabashada dhaliilaha xukuumadda ee ka soo baxay natiijadii la xisaabtanka Xukuumadda, talo soo jeedinta golaha iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira.
7. Goluhu wuxuu isla kalfadhigii 51-aad ku ansixiyey;
1. Xeerka Khayraadka Biyaha Puntland.
2. Wax ka bedelka Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland.
3. Ansixinta Miisaaniyad Sannadeedka Dawladda Puntland ee 2023.
Waxaa Geeriyoodey intii u dhaxaysay labada Kalfadhi geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac, oo ku geeriyooday dalka Hindiya, waxaana markale tacsi halkan ugu diraynaa qoyska, ehelada, qaraabada, Golaha Wakiillada iyo Guud ahaan shacabweynaha reer Puntland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuumku.
Mudane Madaxweyne Mudanayaal iyo Marwooyin;
Waxaan wada ogsoonahay xaaladda ka jirta Gobolka Sool, waxaan si adag u cambaarayneynaa, xasuuqa iyo duqaymaha aan loo meeldeyin ee Somaliland ay ku hayso bulshada Gobolka Sool magaalada Laas-caanood, waxaan u sheegeynaa Beesha Caalamka, wadamada deriska ah iyo Hay’adaha xuquuqul insaanka, in maamulka Soomaaliland ay ka geysteen Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laas-caanood gabood-fallo waaweyn, xasuuq iyo duqaymo lagu bar-tilmaameedsanayo meelaha halbowlaha u ah nolosha bulshada sida Cisbitaalada, masaajidada, ceelasha biyaha, Xarumaha korontada iyo goobaha waxbarashada, waxay xasuuqeen dadkii birimageydada ahaa, waxay barakiciyeen bulshadii gobolka ku noolayd dhammaantood, waxaa xirmay goobihii waxbarashada waxaana istaagey adeegyadii arrimaha bulshada oo asaas u haa nolosha dadweynaha.
Dagaalka iyo duulaanka maamulka la baxay Somaliland wuxuu salka ku hayaa in loo afduubnaado aragtida khaldan ee kala goynta Soomaaliya, xuduud-beenaadyo aan jirin iyo in Dadka Soomaaliyeed lagu kala qoqobo aragtidii Guumaysiga ee Soomaaliya ay ka xorowdey 1960-kii, muwaadiniin badanina u hureen naftooda.
Waxaa nasiib darro ah in madaxda Dawladda Federaalka oo u dhaaratay midnimada Soomaaliya, difaaca iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed in aanay marnaba ka hadlin dhibaatada ay Somaliland ku hayso gobolka Sool, taas bedelkeedana ay taageero u muujiyeen Somaliland, sida ka soo yeertay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa aan marnaba la aqbalikarin in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane, Xasan Shiikh Maxamuud aanu marnaba doorkiisii ka qaadan xaaladda adag ee ka taagan Gobolka Sool.
Mudane Madaxweyne Mudanayaal iyo Marwooyin;
Sida aan wada ogsoonahay, Dastuurka Puntland iyo Xeerarka dalku waxay ina farayaan inaynu xaqiijino himilada Puntland oo saldhig ay u tahay nidaamka xisbiyada badan iyo in dadweynaha lagu celiyo taladooda ayna doortaan madaxdooda.
Haddaba, anigoo taas ka duulaya, waxaan bogaadinayaa in lagu guulaystay qabashada Doorashooyinka Goleyaasha Deegaan ee 33 degmo, waxaana la qaaday dhabihii loo marilahaa hiigsigii iyo himilooyinkii aynu ka lahayn dhismaha Maamulka Dawladnino iyo Dimuqraadiyadda.
Waxaan arrintaas uga mahadcelineynaa Allah SWT, mahad Alle ka dib, waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Ku-meel gaarka ah ee Doorashada Puntland (TPEC), Shacabweynaha Puntland, ciidanka Amniga, Ururada Siyaasadda, saxaafadda, ururada Bulshada Rayidka ah, korjoogtada Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, Hay’adaha inaga taageera arrimaha dimuqraadiyadda iyo cid kasta oo ka qayb-qaadatay doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland.
Mudane Madaxweyne Mudanayaal iyo Marwooyin;
Dadka Soomaaliyeed waxay soo mareen dhibaatooyin badan, nasiib wanaag waxaynu ku guulaysaney inaan dib u yagleelo nidaamkii dawladnimo, waxaa la diyaariyey Dastuur ku meelgaar ah, waxaa la dhisay Hay’adihii Dawladda iyo haykalkii nidaamka dawladeed. Waxaa Bulshada Soomaaliyeed ku heshiisey in la qaato nidaamka Federaaliga ah oo ay hadda dawladdu ku dhisan tahay.
Sida aynu wada ogsoonahay, waxaa 27/May/2023, shir lagu tilmaamay Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo saareen waxay ugu yeereen war-murtiyeed, qoraalkaas oo ay ku xusan yihiin qodobo lid ku ah Dastuurka iyo nidaamka Federaaliga ah ee lagu heshiiyey.
Haddaba, waxaan u sheegeynaa cid kasta oo ay khusayso inaan arrintaas loo dhammayn, Dawladda Puntland aanay qayb ka ahayn, Umadda Soomaaliyeedna aanay aqbalayn xadgudubka sharci oo halkaas gaarsiisan.
Waxaa nasiib darro ah in Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u badheedheen ku xadgudubka Dastuurka gaar ahaan qodobka 22-aad ee xaqa ka qayb galka siyaasadda, qodobka 47-aad ee nidaamka doorashooyinka, qodobka 54-aad ee kala qaybinta awoodaha, qodobka 60-aad ee muddada xilhaynta Baarlamaanka, qodobka 91-aad ee muddda xilhaynta Madaxweynaha JFS iyo qodobka 97-aad farqadiisa 1-aad ee Golaha Wasiirada. Sidoo kale wuxuu ka hor-imanayaa Sharciga Axsaabta Siyaasadda DFS, dhinaca kalena waxay ku xadgudbeen awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka DFS iyo Golaha Aqalka Sare.
Ku tagrifalka awoodaha xafiisyada dawladda iyo in dano gaar ahaaneed looga faa’iidaysto xafiisyada dalka ugu sareeya waana mas’uuliyad la iskula xisaabtami doono.
Waxaan ugu baaqaynaa Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS iyo Golaha Aqalka Sare inay ilaaliyaan Dastuurka iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed, kulana xisaabtamaan madaxda dalka ku xadgudubka Dastuurka iyo Xeerarka kale Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxaan u soo jeedineynaa Golayaasha Baarlamaanka ee labada aqal ee Dawladda Federaalka Soomaliya in ay ka hortagaan ku xadgudubka Dastuurka iyo muddo kororsiga aan Dastuurka waafaqsanayn ee la horkeenay.
Mudane Madaxweyne mudanayaal;
Kalafadhigan 52-aad waxaa Golaha u qorshaysan;
• Ansixinta Xisaab-xirka Sannad Maaliyadeedka 2022
• Ansixinta Wax-ka-beddelka Xeerka Hawlgabka iyo Liiltirka DPL
• Ansixinta wixii xeerer ah ee Goluhu curiyo ama Xukuumaddu u soo gudbiso.
Geba-gebadii
Anniga oo ku hadlaya afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaan dadweynaha Puntland ugu baaqayaa dhammaantood, inay ka feejignaadaan saamaynta aragtiyaha khaldan ee lagu wiiqayo Dawladda Puntland, ilaashadaan midnimada, wada jirka Puntland iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed, gacmahana isu qabsadaan dhimsaha iyo horumarinta Puntland.
Dhinaca kale, waxaan bogaadinayaa ciidamada xaq u dirirka ah ee difaaca iyo xoraynta Gobolka Sool, waxaan uga baaqayaa dawladda iyo shacabka Puntland inaan difaacno sharafta iyo jiritaanka bulshada Gobolka Sool, taasoo macnaheedu yahay inaan difaacno midnimada iyo jiritaanka Umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa go’aanka ka soo baxay Golaha Amaanka Qaramada Midoowbay ee ku aaddanaa xaaladda Magaalada Laascaanood, kaas oo ku taariikhaysanaa 07/06/2023.
Waxaan cambaaraynayaa war-murtiyeedka shirka Urur-Goboleedka IGAD ee soo baxay 14th Juun 2023, kaasoo ka soo horjeeda Go’aankii Golaha Amaanka Qaramada Midoowbay ka soo saaray xaaladda dhabta ah ee ka jirta Magaalada Laascaanood.
Gobolka Sool waanu difaacaynaa, cadawgana waanu ka xoraynaynaa, horumarka iyo midnimada Puntland waa mabaadii asaasisi ah oo lama taabtaan ah.
Mudane Madaxweyne;
Anigoo ka duulaya qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad iyo qodobka 65-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, waxaan kugu soo dhaweynayaa furitaanka iyo hadal- jeedintaada Dastuuriga ah ee kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, mudane Madaxweyne ku soo dhawoow.
Waad mahadsantihiin,
Md. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.