Golaha Wakiillada

Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe: July 17, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta ayaa qorshe hawleedku ahaa ka shaqeynta Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka oo ay xukuumaddu soo gudbisey.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga Golaha Wakiillada kaas oo akhriska 2aad ku sameeyay, kadib la tashiyo uu la yeeshay dhammaan dhinacyada xeerka saameynta ku leeyahay.

Akhrinta 3aad ee xeerka kadib waxaa Goluhu uu guda galay qodob-qodob uga doodista & wax-ka-bedelkiisa.

Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya Arrimaha Deegaanka guud ahaan, waxayna doodiisa socon doontaa maalmaha soo socda.

Dhanka kalena, fadhiga maanta ayaa lagu dhaariyey Xildhibaan cusub Yuusuf Jaamac Yaasiin Jaamac oo bedalay Xildhibaan hore Jaamac Yaasiin Jaamac oo geeriyooday June 12, 2023, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobkiisa 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Kadib, soo jeedinta Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle oo Golaha ka hor akhriyey soo jeedinta ka mid noqosho ee Xildhibaan cusub Yuusuf Jaamac Yaasiin, waxaana xildhibaanka cusub dhaariyey Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Scroll to Top