Garoowe, September 09, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismail Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Ajandaha ayaa ah Ansixinta Xubnaha magacaaban ee Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC sida uu qabo qodobka 113-aad Farqadiisa 1aad, Xarafka X iyo Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.
Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen saddex xubnood oo ka dhinaa Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, tirada guud ayaana noqonaysa 12 xubnood.
Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, waxaana dhaariyey Garsoore ka socda Maxkamadda sare.
Xubnaha ayaa kala ah;
1. Cabdisalam Bashiir Cabdisalam
2. Maxamuud Axmed Caynab (Gubsul)
3. Ubax Cabdullahi Abshir
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland