Garoowe: September 12, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu weheliyo ku-xigeenka 2-Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah, kaas oo ka qabsoomay xarunta Golaha Wakiillada.
Fadhiga maanta Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu waxay lagu falaqeeyeen arrimo ay mid yihiin Xaaladda Guud ee Siyaasadda, Amniga iyo dhaqalaaha, waxaana warbixinno arrimahaas la xiriira looga dhegeystey madax-guddiyeedyada Guddiga joogtada ah ee u xilsaaran.
DHAMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.