Goldogob, October 08, 2023: Guddiga Hawlaha Guud & Guddiga Deegaanka ee Golaha Wakiillada DPL waxay maanta safar shaqo ku tageen Degmada Galdogob, iyagoo kormeeray xarunta Dawladda hoose ee Degmada.
Guddiyada ayaa waxaa halkaasi ku qaabilay Duqa Degmada Goldogob, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka, iyagoo ka warbixiyey xaaladda guud ee Goldogob sida arrimaha amniga, arrimaha bulshada iyo caqabadaha haysta.
Maamulka Goldogob ayaa sidoo kale Guddiyada la wadaagay warbixinta dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay aagaasi.
Kormeerada ayaa ka mid ah shaqooyinka Dastuuriga ah ee Guddiyada Golaha Wakiillada, iyadoo warbixintooda lagu soo bandhigo fadhiga guud ee Golaha Wakiillada.
DHAMMAAD