Garoowe, October 26, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 53-aad kaas oo looga hadlay soo gudbinta Ajandaha Qabyada ah ee Kalfadhiga 53-aad, sidoo kalena looga hadlay soo jeedinta ka mid noqosho xubinnimo Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Soo jeedinta Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha kadib waxaa la dhaariyey Xildhibaan cusub Yaasiin Jaamac Cumar oo bedalay Xildhibaan hore Fu’aad Abshir Axmed ( Adeer) oo ka mid noqday Guddiga Doorashooyinka Puntland – PEC, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland qodobka 61-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada
Dhinaca kalena, waxaa Golaha loo qeybin doonaa Ajandaha rasmiga ah maalinta sabti 28-October-2023.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland