Fadhiga 10-aad, Kal-fadhiga 53-aad
Fadhiga maanta oo qorshuhu ahaa wax-ka-bedelka Xeerka Doorashooyinka Puntland, kaas oo 14kii Bisha November, 2023 Guddoonka Golaha u xil saaray guddi gaar ah.
Guddiga loo xil-saaray xeerka ayaa Golaha u soo gudbiyay qoraal ku saabsan wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka Puntland oo guddigu gacanta ku hayay, kaas oo maanta qorshuhu ahaa in goluhu ka doodo si waafaqsan Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa golaha la wadaagay in La tashi guud kadib, maalinta Axad ah ( 26-Nov, 2023) Golaha dib loogu soo celin doono Xeerka Doorashooyinka Puntland.
– DHAMMAAD