Golaha Wakiillada

Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Garoowe, January 08, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shirka furay, iyadoo ajanduhu ahaa Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Intaa kadib, waxaa la gudo galay Doorashada oo ay ku tartamayeen 11 Musharax Madaxweyne iyo 11 Musharax Madaxweyne ku xigeen, waxaana wareeggii ugu dambeeyey ee 3-aad isugu yimaadeen Madaxweynaha dib loo doortay ee Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo helay 45 cod, halka Mudane Dr. Guuleed Saalax Barre helay 21 cod. Waxaana sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen loo doortay Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa shacabka Puntland, siyaasiyiinta, culimada iyo ciidamada qalabka sida ku booriyey inay isku duubnaadaan oo ka wadashaqeeyaan dowladnimada iyo horumarka Puntland.

DHAMMAAD

Scroll to Top