Waxaan galabta salaan iyo booqasho gurigeeda ugu tagay Xildhibaan hore Marwo Jookha Geelle Faarax oo ka tirsaneyd Golaha Wakiillada Dawladda Puntland muddo 15 sanno ah taas oo ku xanuunsanaysa caasimadda Garoowe.
Waxaan EEBBE ugu baryay Xildhibaan hore Marwo Jookha Gelle Faarax inuu caafimaad taam ah siiyo, muhiimadeyda 1aad ayaa ah inaan ka war-hayno Xildhibaannada iyo dhammaan mudanayaashii kale ee Golaha ka soo mid noqday.
Booqashada aan ugu tagay Xildhibaan hore Marwo Jookha Geelle Faarax waxaa igu wehlinayey Xildhibaan federal Maxamuud Axmed Aadan (Geesood )
DHAMMAAD.