Sheerbi: Guddiga Golaha Wakiillada DPL ee xal u helida shaqaaqadii Deegaanka Sheerbi oo gaaray halkaasi, ayaa kormeeray magaalada, iyagoo warbixin ka dhageystay Ciidamadda Amaanka ee gacanta ku haya magaaladda.
Shacabkii deganaa Magaalada ayaa ka barakacay colaada dhacday awgeed, waxaana magaalada ku haray Maxamuud Cabdirisaaq oo ah wiil naafo ka ah araga, islamarkaana waayay meel uu uga baxo deegaankiisa.
Guddiga ayaa u balan-qaaday Maxamuud inay u kaxeyn doonaan meesha uu rabo, si uu uga helo deegaan ku haboon, iyagoo ka taageeraya noloshiisa illaa iyo inta caadi ku soo noqonayso noloshii Sheerbi oo hadda xalkeeda lagu jiro.
DHAMMAAD