Golaha Wakiillada

Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane Hon Mohamed Baarri Shire ayaa Xalay ka qayb-galay munaasibad lagu soo dhaweynaayo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland shanta sano ee soo socota 2024–2029.

Munaasabadda Mahadcelinta masuuliyiinta qaybta ka ahayd Madaxda Puntland waxaa kasoo qayb-galay Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS Koonfur Galbeed Soomaaliya, Galmudug iyo Hirshabeelle, Hoggaamiyaha maamulka SSC Khaatumo, Ra’iisul Wasaarayaal hore ee Soomaaliya, wefti ka socda beesha Caalamka, masuuliyiin ka socda Dawladdaha Kenya iyo Jabuuti, wefti ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida, Musharixiintii Madaxweynaha Puntland 2024-2029, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Scroll to Top