Golaha Wakiillada

Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay xiritaaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah.

Carmo, February 25, 2024: Guddiga Golaha Wakiilladu u xilsaaray xal u helida shaqaaqadii deegaanka sheerbi ayaa maanta ka qayb galay xiritaaanka shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah, kaas oo laga soo soosaaray go’aanno lagu soo afjarayo colaadii dhacday.

Waxaa sidoo kale madasha kasoo qayb galay qaar kamid ah isimmada Puntland, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dawladda, marti sharaf iyo qaybaha kale ee bulshada.

Xildhibaannada ka socday Golaha Wakiillada DPL, oo shirka ka hadlay ayaa kula dardaarmay ergada labada beelood in sida ay tahay loo fuliyo heshiiska laga gaaray colaadii ka dhacay Magaalada Sheerbi.

– DHAMMAAD

Scroll to Top